Washington:16-Oct-2013 (SDN)- ciidamada Sirdoonka Waddanka Maraykanka, ayaa baahiyey liiska Tobanka Hoggaamiye ee Cabsida ugu weyn ku haya wadamada reer Galbeedka.
Tobankan Hoggaamiye ayaa ah Muslimiin ka soo horjeeda siyaasadda maraykan maanta dunida ku hoggaamiyo, waxana ay kooxdan la faafiyey ku caan baxeen colaadda gaamurtay ee ay u qabaan dawladda maraykanka.
Tobanka wiil ee maraykanka seexan waaga ku riday, ayaa waxa ka dhex muuqda Hoggaamiyaha u dhashay ee somaliland ee gadhwadeenka u ah ururka Alshabaab Axmed Cabdi-godane, kaas oo uu maraykanku ku taamayo soo qabashadiisa.
Tobanka wiil ee sida weyn ay reer Galbeedku uga cabsadaan, ayaa sidan kala ah:
Ayman al-Zawahiri .Nasir al Wuhayshi, Ibrahim al-Asiri, Ahmed Abdi Godane -Moktar Belmokhtar . Abu Muhammad al-Julani- Abu Bakr al-Baghdadi .Sirajuddin Haqqani, Abubakar Shekau iyo Doku Umarov.
Warbixintani ayaa sheegtay in nimankani yihiin raga ugu khatar badan aduunka oo nalol dad badan galaafan kara,
S.D.N
