Washinton Oct 16,2013(SDN)-Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka oo ay aqlabiyadiisa heystaan xildhibaanada Dimiqraadiga ayaa haatan gudo galay xal u raadinta khilaafka miisaaniyada dalkaasi.
Dawlada Mareykanka oo haatan sadex todobaad aan soo bandhigin adeegyadii dawladeed ayaa bishan 17keeda waxa kaga eg lacagihii miisaaniyada dawladeed.
Mareykanka ayaa musalafi doonaa hadaan xildhibaanada aqalada Wakiilada iyo Senate-ka ayaa hadii aaney ansixin kororka cadadka amaahaha dawlada Mareykanku ku kabto miisaaniyada ka hor 17ka bisha waxa dhici doonta in dawlada Mareykanku ay bixin keri weydo amaahihii ay kal hore qaadatay.
Sidoo kale dekhliga dawladeed ee dawlada Mareyknaka ayaa ku koobnaan doona uun canshuuraha ay ka ururusato adeegyada iyo badeecadaha muwaadiniintu isweydaarsadaan.
Xisbiga Repupblica-ka oo heysta aqlebiyeda aqalka Wakiilada ayaa ku adkeysanaya in dhimid lagu sameeyo kharashaadka dawlada iyo in dib u habeyn lagu sameeyo qorshaha caafimaad ee Obamacare.
Labadaa soo jeedimoodba waxa ka dhego adeegay Aqalka cad iyo gebi ahaanba xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee ku jira labada golle ee Baarlamaanka Mareykanka.
Qorshaha xalka ah ee ay ka shaqeynayaan xildhibaanada labada xisbi ayaa dawlada u fasaxaya miisaaniyad ay ku shaqeyso ilaa horaanta sanadka ina haya sidoo kalena koror ku sameynaya lacagaha ay dawladu u baahan tahay in ay amaahato isla mudadaa.
Maalin uun baa ka hartay inta Mareykanku fursada u heysto in uu ka badbaado musalafka.
Ma aha markii u horeysay ee dal ka mida dalalka reer Galbeedku musalefaan,dalka Jarmalka ayaa hore dagaalkii kowaad ee dunida dabadii musalefay,maantana waa dhaqaalaha labaad ee dunida ugu weyn.
SDN-Washingtom contact@somalidiasporanews.com
