Uncategorized

Madaxweyne Geelle Oo Jawaab Ka Bixiyey Hanjabaaddii Kaga Timi Al-shabaab

Djibouti:16-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaacil Cumar Geelle oo maalintii shalay khudbad ka jeediyay munaasabada ciidda carrafo, ayaa sheegay in digniin iyo hanjabaad kasta oo uga timaada Al-Shabaab in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin.

 

GEELAHAMadaxweynaha  oo ay ka muuqatay kalsooni badani, ayaa sidan hadalkiisa ku bilaabay, “ Hanjabaad waxba nagama tareyso ee u sheega waxaas kuwa idiin soo sheegay annaga waan caawin doonaa walaalahayaga Soomaalida”

 

Dowladda Djabuti waxaa Soomaaliya ay u dirtay ciidamo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo haatan intooda badani ku sugan tahay Deegaanada Beledweyne, waxana jira Hanjabaado isasoo saraya oo kaga imanaya Ururka Alshabaab oo dagaal ku haya ciidamada ajaanibka ah ee jooga Soomaaliya.

 

Ayaamahan dambe ayaa waxa soo baxayey warar sheegaya in ururka alshabaab ku hawllan yahay inay weerar ku qaadaan waddanka Djibouti sidoo ay horeba ugu sameeyaan dalka Kenya oo ciidamo ka joogaan soomaaliya, taasina waxa ay cabsi gelisay shacabka reer Djibouti.

 

Madaxweyne Ismaacil Geelle, ayaase shacabkiisa kalsooni geliyey, waxana uu u tilmaamay inaanay u beerjileecin hadallada suuqa yaalla ee al shabaab ay ku cabsigelinayso dawladaha soomaaliya caawinaya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com