Kabul Oct 16,2013(SDN)-Qarax lala beegsaday Masaajid ku yaal Gobolka Bari ee Logar ee dalka Afgaanistaan ayaa waxa lagu khaarijiyay Guddoomyihii gobolkaasi Arsallah Jamal.
Guddoomiye Arsallah ayaa ahaa lataliye ay aad isugu dhawaayeen madaxweynaha dalka Afganistaan Xamiid Karazi oo dilka canbaareeyay
“Weerarku waxa uu ahaa mid Islamka lagu qaaday,Argegixiso iyo Talibaan magaca Islamka sheegaanaya ayaa weerarada Muslimiinta lagu xasuuqayo qaada,waana qaar loo kireysto in ay Muslimiinta layaan” ayuu yiri madaxweyne Karazi.
Weerarka ayaa masjidka lagu qaaday xili ay dad shacab ahi iyo Gudoomiyuhu tukanayeen salaadi Ciida ee Shalay Mulimiinta caalamku u dabaal degeen.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili dalka Afgaanistaan looga diyaar garoobayo doorashooyinkii madaxtinimada ee dalkaasi.
Dalka Afganistaan ayaa intii ciidamada dalkaasi lagu wareejiyay amniga dalkaas ayaa waxa isa soo tarayay weerarda masuuliyiinta lala beegsado.
Waxaan sii kordhaya walaac laga qabo in ciidamada dalka Afgaanistaan aaney awoodi kareyn in ay hantaan amniga dalkaasi kolka ciidamada shisheeye ay gebi ahaanba isaga baxaan dalkaasi.
SDN-Kabul contact@somalidiasporanews.com
