Hargeysa:17-Oct-2013(SDN)-Maanta oo ah 17-October, ayaa u astaysan maalinta shuhadada SNM, Waxana la filayaa in si weyn xuskooda looga fuliyo Guud ahaanba somaliland.
Maalintan oo ah maalintii ay geeriyoodeen tiradii ugu badnayd ee mujaahidiintii SNM, gaar ahaan intoodii labeenta ahayd oo uu ugu horreeyo Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye(lixle) ayaa sanad walba xuskeeda laga qabtaa somaliland, waxana haatan xukuumadan jirta lagu dhaleeceeyaa inay ka gaabiso soo noolaynta iyo weynaynta maalintan uu hoggaankeedu ku taariikhaysan yahay.
Waxa la filayaa in munaasibad baroor-diiq ah lagu qabto xarunta Guriga Shaqaalaha, taas oo la filayo inay ka soo qayb galaan inta badan ragga tirada yar ee maanta ka sii hadhsan mujaahidiintaas dalka u soo halgamay, waxana la filayaa in halkaas in badan laga akhriyo taariikhda maalintaasi leedahay iyo qiimaheedaba.
Xukuumadda ayaa laga filayaa inay ka muuqato xuska maalintan, maadaama ay tahay xukuumad lagu tilmaamo inay ka dhalatay halgankii dheeraa ee la soo galay, islamarkaana ay xubinihii ugu magaca dheeraa ururkaas soo dagaalay majaraha u hayaan.
Xusaskii hore ee maalintan loo sameeyey tan iyo intii xukuumaddani xilka qabatay, maalintan soo noolaynteeda waxa ka muuqatay habacsanaan badan, waxana taas lagu dhaleeceeyey xukuumadda oo iyada laga filayey inay si ka ballaadhan sidii xukuumadihii hore u xusto, balse taas wali lagama hayo, maantana waxa lagu eegayo il gaar ah oo ka duwan kuwii hore.
Xuskan maanta ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan ragga tirada yar ee ka sii nool mujaahidiintaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin, muj. Boobe Yuusuf Ducaale, Muj. Maxamed Kaahin Axme, Muj. Muuse Biixi Cabdi. Muj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Mujaahidiin kale oo badan, waxana halkaas lagu faaqidi doonaa sababta keentay in 17-October-1984-kii loo doorto maalinta shuhadada SNM.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
