Uncategorized

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Kootada Haweenku Ku Raadj-joogaan

Hargaysa:17-Oct-2013 (SDN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir suldaan C/laahi  ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay Kootada ay haweenka somaliland harraadka u qabaan ee ay inta badan ka hadlaan.

cabdiqaadirSuldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in golaha wakiiladda looga baahan yahay in aanay wax dood ah ka yeelan xeerkaasi isla markaana aanay cod u qaadin bal se sidiisa lagu ansixiyo.

Suldaan Maxamed waxa uu tilmaamay in haweenku ay had iyo jeer yihiin cida ka shaqaysa horumarinta iyo waxqabadka dalka, waxaanu sheegay inuu isagu shaqsiyan soo jeedin lahaa in tiro ahaan marka baarlamaanka Somaliland gole kasta saddex loo qaybiyo in meel iyo badh haweenka la siiyo, xaqna ay u leeyihiin.

 

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “intii ururka haweenka Somaliland arrinkeeda ku jireen waxaan u arkaa inay dulmi fara badan tirsanayeen, laakiin waa Illaahay mahadii mar haddii ay maanta codsi keeneen, ay ku dalbanayaan in kuraas aan lagu tartamin loo qoondeeyo xaq ayaanay u leeyihiin, weliba waxaan anigu soo jeedin lahaa goleyaasha marka gole walba saddex meelood loo qaybiyo in haweenka meel iyo badh la siiyo, oo doorasho lagu siiyo. sababta oo ah had iyo jeer cida horumarinta dalka iyo waxqabadkiisa ka talinayaa waa haweenka reer Somaliland, wax aanay haween dalka u qabana ma jiro, wax walbana iyaga ayaa hormood uga ah, kol ay tabarucaad ururiyaan, kol ay mashaariic badan soo qabtaan, kol ay caafimaadka ku tahay haweenka ayaa kaalinta koowaad haysta, waanan ku hanbalyaynayaa arrinkaa ay keeneen”.

 

Waxaanu intaasi ku daray suldaanku “Golaha wakiiladda waxaan leeyahay, waar maanta iska ilaaliya ceeb iyo side haweenka loo siiyaa kuraas aan tiro lahayn in ay fool xumo wayn idinku tahay. Waxaanan u soo jeedinayaa golaha wakiilada arrintaasi duuduub in aad ku qaadataan, marwadda koowaad ee qaranka Somaliland codsigaa ay soo gudbiyeen haweenku ee ay mooshinkaasi horkeeneen baarlamaanka waa in aanu noqon mid loo codeeyo, ee waa in sidiisa lagu ansixiyo.”

Sidoo kale Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay inay golaha baarlamaanka Somaliland ku jiraan xubno xidhiidh la leh dawladda Soomaaliya, isla markaana ay xubnahaasi koonfurta la haysta ay uga xaq leedahay kana mudan yihiin haweenka daacada ah ee ka shaqaynaya horumarinta dalka Somaliland.

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com