Hargaysa 17.October 2013 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu muujaahidiinta tabashada qaba kula taliyey inay samir yeeshaan, waxana uu carrabaabay inaanu madaxweyne siilaanyo aqbalaynin in mujaahidiintii ay halganka soo wada galeen qaar ka mid ahi maanta darxumo qabaan, waxana uu sheegay inay jiraan baahiyo kala duwan oo lagaga mashquulay wax u qabashada mujaahdiiinta.
Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka Jeediyay Munaasibad loo sameeyay 24 Guuradii ka soo Wareegtay Dagaalkii Ururkii SNM iyo Ciidamadii Siyaad bare ku dhex maray Deegaanka Burco Duuray oo Gudaha Itoobiya ku taala .
Guji halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Hadalkii Gudoomiyaha Kulmiye
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/inabiixi17.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
