Hargaysa 21.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Nuux Sh.Muuse Ducaale ayaa sheegay in hay’ada shaqaalaha dawladu u xilsaarantahay qorista iyo sharciyaynta shaqaalaha joogtada ah ee dawlada sidaa daraadeed loo baahan yahay in la waafajiyo sharciga shaqo qorista shaqaalaha dawlada.
Gudoomiyuhu Waxa uu uga Digay Laamaha dawladu in aanay Qaadan karin Shaqaale aan Soo Marin Hay’adooda waxaanu intaa raaciyay in aan la ogalayn shaqaale ku meel gaadh ah,isla markaana hay’ad kasta iyo wasaarad kasta oo qorota shaqaale aan joogto ahayn waxay hay’ada shaqaalaha ula siman yihiin muwaadiniinta shaqo doonka ah.
Guji Halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato hadalka Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/NuuxShMuuse21.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
