Hargeysa Oct 22,2013(SDN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa xalay ka bedbaaday weera ay rag hubeysani rasaas kula beegsadeen.
Xildhibaanka oo marayay xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa kolkii rag aan la garan oo hubeysani ay rasaas ooda uga qaadeen mudanahan Ka tirsan Gollaha Wakiilada Somaliland,sida ay daabacday barta Internetka ee Berberanews.
Xildhibaanka ayaane rasaastu haleelin,ragii hubeysnaana waa ay baxsadeen sida ay Berberanews baahisay.
Xildhibaan Qalinle oo ka mid ah mucaaridka Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan u sheegay jariirada Geeska Africa in loo baahan yahay in caafimaadka Madaxweynaha Somaliland la baaro.
Xiriiro ay Berberanews la sameysay Xildhibaan Qalilnle ayaan suurto gelin.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
