Uncategorized

“Waxaan Ku Heshiinnay Inaanaan Fulin Digreetadii Bilicda Magaalada Ee Wasiir Waran Cade,Sababtuna…”xil. Cabdiqani Daa’uud.

Borame:22-Oct-2013 (SDN)- Xildhibaan Cabdiqani Daa’uud Qalinle  Xoosh oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama ayaa Maalintii shalay jir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Boorama, waxa uu kaga warramay dib u dhac iyo habacsanaan ku timi Golaha Deegaanka Borama.

daa'uudXildhibaanka ayaa si cad u sheegay inaanay jirin wax shaqo ah oo la taaban karo oo Dawladda Hoose ee Degmada Borama ay u qabatay Bulshadii soo dooratay, taas oo uu ku sheegay ayaandarro bulshadaas haleeshay.

Xildhibaanku waxa uu xusay inaan Halkeedii laga qaadin Digreetadii uu wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ku faray maayarrada dalka inay  bilicda magaalooyinka waaweyn ka shaqeeyaan, “Golaha deegaanka Boorama ama dadka gadh wadeenka u ah ee hoggaanka u haya gaar ahaan gudida fulinta ee golahu waxaan aaminsan nahay inay ku fashilmeen ka midh dhalintii wareegtadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Warancade oo ahayd mid bilicda magaalada wax weyn ka taraysay haddii sideeda loo hirgaliyo.” Ayuu yidhi xildhibaan qalinle.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Maanta waxa laga joogaa muddo laba bilood ka badan maalintii ay wareegtadaasi soo baxday oo ay ku amraysay golayaasha dregaanka inay muddo bil ah bilicda magaalooyinka wax kaga qabtaan, arrintaasi waa mid fashilan oo ay hormood ka yihiin waji-gabaxeeda madaxda fulinta sababta oo ah waxa wareegtada ku cadaa in 300m ee u horaysa ay bilawdo degmadu, si loogu daydo, taasina ma dhicin, Awrba Awrka hore ayuu socodkiisa leeyahay ayaa la yidhi, Dawladii Hoose ee lagu dayanayayba waxna way qaban wayday shacabkuna cid ay ku dayanayaan oo hoggaan u noqonaysaa ma jirto.”

Xildhibaan. Cabdiqani oo wax laga waydiiyay waxa Golaha arrintan uga meel yaala ee ay ku tashadeen ayaa waxa uu yidhi “Arrintayadu waa tii Soomaalida ee ahayd waxaan ku heshiinay inaanan Heshiin, annaguna Wareegtadaas Wasiir Warancade waxaan ku heshiinay in aanaan fulin illaa hadal dambe naga soo baxo.”

 

Dhaliishan Xildhibaanka ayaa daba socotay muran iyo is qabqabsi badan oo Golaha Deegaanka Boorama la sheegay inuu seejiyey Gudashada shaqadii ay qaranka u hayeen, waxana haatan bulshada Gobolkaasi ka qanacsan tahay Golihii ay soo doorteen oo gebi ahaanba noqday fadhiid kaliya iyagu is haystay oo warbaahinta iska weerara.

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com