Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu wado inuu ka qayb Galo Aas Loo Samayn Doono Marxuum Abwaan Cali-Banfas

Hargeysa:22-Oct-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka qayb galo aas qaran oo loo samayn doono Eebe Ha u naxariistee marxuum Cali xasan aadan (cali-banfas) oo saaka ku geeriyooday magaaalada Hargeysa.

banfasAbwaanka ayaa in muddo ahba u jiifay cudurka Faalliga oo muddo hore haleelay, waxana  ku geeriyooday aqalkiisa oo Hargeysa ku yaalla.

Madaxda kala duwan ee qaranka ayaa iyagana lagu wadaa inay ka qayb galaan aaska marxuumka loo samayn doono.

Marxuum Cali-banfas ayaa lagu xasuustaa doorkii muuqday ee uu ku lahaa Halgankii hubaysnaa ee dalka dib loogu xoreeyey, waxana uu caanku ahaa inuu dadka ku guubaabiyo Hab suugaanaysan oo uu bulshada ku tusi jirey dulmigii uu nidaamkii siyaad barre umadda ku hayey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com