Uncategorized

“meeshan cid cid xukuntaa ma jirto oo waxa la isku dallacsiiyaa Hebel Baan Soo Caayey oo mucaaridkii baan sidaas ku idhi, Anigana Waxa Ii Hanjabay Mid ka mid ah Ciyaalka Madaxtooyada Lagu Kibriyey……” Eng. Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:23-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa si kulul u cambaareeyey Falkii isku dayga Dilka ahaa ee Habeen hore lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Somaliland ee laga soo doorto Gobolka Saaxil.

fffGuddoomiye Faysal Oo Waraysi Gaar ah Siinayey Wargeyska Hubaal iyo Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa dhacdadan ku sifeeyey Sunne taariikh madow iyo magac xumo ku Somaliland, waxana uu tilmaamay inay la mid tahay Tii hore Xubno Booliska ka tirsani kula kaceen Xarunta Wargeyska Hubaal, isaoo wax  ka saaray Maamulka oo ka leexday dhinaca madaxweynaha, “Sida ugu kulul baan u cambaaraynayaa falka lagula kacay xildhibaan Qabille, waana Arrin Foolxumo ah oo la mid ah  ama ina xasuusinaysa tii wargeyska Hubaal Lagula kacay.Waxa ay arrintani la socotaa oo ay ina tusaysaa xaallada adag ee dalku galay iyo in fawdo bilaabantay. iyo in Hoggaankii dalka aanu madaxweynuhu maanta gacanta ku haynin.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiye Faysal waxa uu tilmaamay in maanta waddanku galay xaalad adag oo Hantidii kali ahayd ee Somaliland ku faani jirtey ee Nabadda ahayd ay hallowday, iyadoo ciidankii ammaanku Haatan rasaasaynayo Dadkii loo igmaday inay ilaaliyaan, waxana uu sheegay in rajo la’aan ba’ani ay waddanka haatan ka jirto, waxana uu yidhi, “ Waa taa maanta Nabadgelyadii aynu ku faanaynay Hoos Bay U dhacday, Booliskii Dadkii  Ammaankooda loo diray Buu Laynayaa, Dhallinyartii Labaatan-labaatan bay Hablihii u kufsanayaan oo waa rajo-beel,  dhallinyaradii iyagii baa is wada Dilaya oo Habeenba Qof baa lagu dilayaa Magaaladii Hargeysa ee Nabadda lagu mushaaxi jirey. Waxanina waxa uu sabab ah sharcigii,  kala  dambayntii iyo hoggaankii baa Hallaabay, waddankana gacanta madaxweynihii kuma hayee waxa ku haya dad aan waxba xukumi karayn.”

Eng. Faysal oo ka jawaabayey sababta keentay in Xildhibaan Qabille markii labaad isku day dil ah lagula kaco, ayaa sheegay inuu  xildhibaanku leeyahay sifooyin suuban oo ku galabsaday in noloshiisa la diido, waxana uu yidhi, “xildhibaan qabille waa nin qaddiyad leh oo aad u neceb Qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, markaa waxa lagu eryanaa waa mawqifkiisa cad ee aan laaluush-cunka ahayn.”

Sidoo kale Guddoomiye Faysal, ayaa carrabaabay in  isaga Qudhiisa Madaxtooyada dhexdeeda ay ka soo gaadhay Hanjabaad dhinaca telefoonka ah, waxana uu ka digay in Haddii xaaladdu sii socoto in la samaysan doono Maleeshiyooyin si la isu difaaco, waxana uu yidhi, “Anigu markii aan waraysiga siiyey telefishanka Universal Nin ka mid ah Ciyaalka Madaxtooyada lagu kibriyey ayaa ii soo hanjabay isagoo iga soo wacay Telefon Number Qarsoon leh (Un Known Number.), waxana ay taasi nagu kallifaysaa in Dadku is daafaco oo sidii 1993-kii samaystaan Maleesho ilaalisa.”

Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,“waxba yaan lagu marmarsoon waddo ayaanu dhisaynaaye waddankii meel halis ah ayuu marayaa oo waddankii waxa uu gacanta uga galay dad aan awooddeeda lahayn, madaxweynihiina talada gacanta kuma  hayaan, waanad arkaysaan in  talyaanigu sheegay in dhalinta badda ku dhimanaysaa waxa ay ka yimaadeen Burco, Hargeya iyo Boorama oo ah magaalooyinkii Somaliland sida muuqata uga shaqaynaysay.”

Eng. Faysal ayaa sheegay in xildhibaan Qabille si toos ah u garanayo ninka Rasaasta ku riday, waxana uu xusay in falalka cayda iyo hagardaamaynta dadka ah maanta xukuumaddan dhexdeeda la isku qiimeeyo oo  xilal lagu helo, waxana uu yidhi, “xildhibaanku wuu garanayaa qofka falka u geystay oo waa caan, markiibana booliska ayuu wargeliyey, meeshanna cid cid xukuntaa ma jirto oo waxa la isku dallacsiiyaa Hebel Baan Soo Caayey oo mucaaridkii baan sidaas ku idhi, waxana aynu daawanaynaa oo Dugsanaynaa Meel aan maamul ka jirin oo Hoggaan ka jirin oo la inoo samaystay Idaacad iyo Telefishan Barobogaandhe ah .”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa warwar ka muujiyey xaaladda murugsan ee dalku galay, waxana uu murugo ka muujiyey sida dadka qaarkii maanta haybaddooddii u lumiyeen ee mijinta qaadka ah ugu hadlayaan, waxana uu yidhi, “wixii Somaliland ku soo tacabtay iyo  rajadii waa la baabi’iyey, dhallinyartiina waa la rajo tiray, waa meel dad qaad la siiyey oo u nool maxaad cuntaan  idaacadaha la soo taagayo  si ay Badhaadhe iyo wanaag u sheegaan, waana in laga gilgishaa dalkiina waddo madow iyo mustaqbal xun buu ku socdaa Haddii aan La Badbaadin.”

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Faysal tilmaamay in Haddii nabaddu xumaato aan cidina ka faa’iidi dooni, waxana uu yidhi, “ Haddii  Nabadgelyadu Xumaato oo Dadka La Isku Soo Dirayo Oo Xabbado la isku Ridayo, Bal Cidda ay Ugu Badiso waynu arki Doonaa”

Guddoomiyaha ayaa farta ku fiiqay koox uu sheegay inay dalka gacanta ku haysa oo uu tilmaamay u badheedhayaan cayda iyo  Boobka dadka kale, waxana uu  xusay inaan taas lagu jiri  Karin, waxana uu yidhi, “kooxdan Maanta Dalka Haysataa ee dalka Gacanta loo Geliyey ee Ka Faa’iidaysanaysa Odaygan Madaxweynaha ah waxa ay ku talo galeen inay dadka xoog, cay iyo Boob ku sameeyaan. Haddii ay halkaas maraysana cid cid xukuntaa ma jirto ninkastaana Halkiisa ayuu Goosan Doonaa.”

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Faysal cali waraabe sheegay inaan Somaliland dhexdeeda arrimaha dhaca xalba loo raadin, waxana uu tilmaamay in taasi keeni doonto cawaaqib-xumo dambe iyo in arrimaha maanta la dhayalsanayaa ay maalmo dambe qarxi doonaan, waxana uu yidhi, “Waddankan Waxba lama Xalliyo oo Arrimihii Kalshaale, Xariirad iyo tii Berbera ee Warshaduhuba waa ay taagan yihiin, mar dhawna fulkaane ayey Noqon doonaan, Haddii ay dawladnimadu meesha ka baxdo oo qoryo la iskula soo baxo oo dalka la boobo dee qof waliba sharciga gacantiisa ayuu ku fushan doonaa.”

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com