Uncategorized

Gudoomiye Kulmiye oo Isbarbar dhigay Kala Duwanaanshaha Shirweynahoodii labaad iyo ka 3aad ee dhawaan qabsoomaya,isla markaana Biniixiyay Xanafo Xisbiga Soo Gaadhay {DHAGAYASO}

Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sheegay in Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye uu ku yeeshay Magaaalada Burco uu Tuhun soo kala dhex galay Hogaanka Xisbiga taas oo ay ugu wacnayd ayuu yidhi in Xeerarka Xisbigu ay qabyo ahaayeen.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu Tilmaamay in hadii wax Khilaaf ahi soo kala dhex galo Xisbiga Kulmiye Cida loo noqonayaa ee ka Odayaynaysaa uu Yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Isagoo hadalkan ka Jeediyay Munaasibad ay ku Kulmeen dhinacyada kala duwan ee Xisbigu u wakiishay Qaban qaabada Shirweynahooda.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Gudoomiye Muuse Biixi

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MuuseKulmiye27.mp3″]

IMG_5079 IMG_5091 IMG_5098 IMG_5100 IMG_5119 IMG_5120 IMG_5140 IMG_5142 IMG_5153 IMG_5156 IMG_5164

 

 

 

 

 

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com