Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sheegay in Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye uu ku yeeshay Magaaalada Burco uu Tuhun soo kala dhex galay Hogaanka Xisbiga taas oo ay ugu wacnayd ayuu yidhi in Xeerarka Xisbigu ay qabyo ahaayeen.
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu Tilmaamay in hadii wax Khilaaf ahi soo kala dhex galo Xisbiga Kulmiye Cida loo noqonayaa ee ka Odayaynaysaa uu Yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Isagoo hadalkan ka Jeediyay Munaasibad ay ku Kulmeen dhinacyada kala duwan ee Xisbigu u wakiishay Qaban qaabada Shirweynahooda.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Gudoomiye Muuse Biixi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MuuseKulmiye27.mp3″]

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
