Hargeysa:8-Nov-2013(SDN)- iyadoo la filayey inay dhammaantood is casilaan Guddidii 15-ka Xubnood ahaa ee Dhawaan Qolka Madow isku Cumaamaday, ayaa waxa Markii ugu Horraysay Istiqaaladeeda Dhiibtay Marwo Farax Faarax Cali Oo Guddidaas Muranka Keentay xubin ka ahayd.
Marwada ayaa is casilaadeedda iyo inay Toobad Keentayba u Gudbisay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxana ay warbaahinta u sheegtay inay tallaabadaas u qaadday iyadoo ka talinaysa Danta Xisbiga iyo Wada jirkiisaba, “ Aniga oo ah Farax Faarax Cali waxa aan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay Xubinimadii Gudida Qaban-qaabada shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, waxaanan guddoomiyaha uga mahad celinayaa in uu xilkan markii hore iminkana aan uga tanaasulay Hawlo ii gaar ah oo shakhsi.Waxa aan mar labaad cadaynayaa in aan eegay danta xisbiga iyo wada jirka.” ayay qoraal kooban oo ay soo gaadhsiisay warbaahinta Marwo Farax Faarax Cali ku tidhi.
Is Casilaadda Marwo Farax ayaa ka dambaysay markii uu Wasiir Samaale oo Markii hore kooxdan Aqal iskugu geeyey uu tahli waayey inuu sii wado Gulufkiisa siyaasadeed ee Kulmiye ka dhex wado, waxana ay Xubnahan 15-ka ahi markii Dambe Noqdeen kuwo Meel dhexe Heehaabaya oo dhinac walba seegay, islamarkaana Godob kaliya korodhsaday.
Xubnaha kale ee 14-ka ah ee sii Hadhsan ayaa la Filayaa inay Hal Daba La’ isku casilaan Maalmaha soo socda, waxana la filayaa inay Xisbigooda dhinac ka raaci doonaan, inkastoo ay lumiyeen kalsoonidii Guddoomiye Muuse iyo xubnaha kale ee Xisbigaba.
Guddoomiye Muuse oo Haatan Libin-geeraar ku jira, ayaa ay kusoo Hoobanayaan Ergooyin ay soo dirsanayaan Xubnaha wali isa sii giijinaya ee Qolka madow isku doortay, waxana la sheegayaa inuu ku celiyey Tiraab Habboon oo ugu muujinayo inaanu xumaan u haynin inkastoo aanay Goddobta siyaasaddu Hadhin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
