Uncategorized

War degdeg ah: Weerar caawa lagu qaaday Xabsiga Boosaaso, saraakiil iyo Askar Puntland laga dilay, Maxaabiis la sii daayay iyo wararkii u dambeeyay

Boosaaso Nov.9 2013 (SDN)- Koox dablay ah ayaa caawa weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada dekedda ah ee Boosaaso, kaasoo sababay khasaare culus.

Siday sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Boosaaso, koox dablay ah ayaa caawa weerar ku qaaday Xabsiga wayn ee magaaladaas oo lagu magacaabo Gaal-shire, iyadoo dagaal saacad ka badani socday uu halkaas ku dhexmaray kooxdaas dablayda ah iyo ilaalada xabsiga.

Warku wuxuu intaa ku daray, in askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay weerarkaas, kuwaasoo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii Xabsiga Gaal-shire.

Inkastoo aanu jirin war faahfaahsan oo laga soo saaray, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, kooxda weerarka fulisay waxay la baxeen tiro maxaabiis ahaa oo xabsiga ku jiray. “Dagaalku muddo ayuu meesha ka socday, magaalada qaybaheeda oo dhan baana laga maqlayay dhawaqa rasaasta,” ayuu yidhi weriye ku sugan Puntland oo u waramay SDN. “Laakiin, markii dambe waxa goobta gaadhay ciidanka sida gaarka ah u tabobaran ee PSI, kuwa weerarka fuliyayna waxa loo malaynayaa inay yihiin Al-Shabaab,” ayuu raaciyay. Sida warku sheegay, waxa haatan kooxda weerarka fulisay laga saaray agagaarka xabsiga Gaalshire ee ay weerareen, ka dib markii ciidanka gurmadka ahi goordhawayd gaadhay goobtaas. “Way la wareegeenba [kooxda weerarka qaaday] gacan-ku-haynta xabsiga, laakiin imika waxa la sheegayaa inay ciidankaa gurmadka ahi ka saareen,” ayuu yidhi weriyuhu.

Inkastoo aanu jirin war dhinaca maamul-gobolleedka Puntland ka soo baxay oo la xidhiidha dhacdadaas, haddana siday wararku sheegayaan, kooxda weerarka ku qaaday xabsiga Gaal-shire, waxay hubka culus ee ‘Hoobiyeyaashu ka mid yihiin’ ku garaaceen xabsiga.

BoosaasoIlaa hadda ma cadda kooxda weerarka fulisay iyo ujeedada ay weerarkaas u fuliyeen. Sidoo kale, ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, iyadoo dablayda iyo dhinaca ciidanka Puntland intaba ay dhimasho iyo dhaawacba gaadhay, sida la sheegay.

Dhinaca kale, warar jira qaraxyo caawa ka dhacay dhawr meelood oo ka tirsan magaalada Boosaaso, siday goobjoogeyaashu xaqiijiyeen, iyadoo goobaha qaraxa lala eegtay ay ku jiraan saldhiga dhexe ee Bilayska, xabsiga la weeraray iyo goobo kale.

Deegaanka buuralayda Galgala oo ku dhow Boosaaso, waxa hore dagaal ugu dhexmaray ciidamada Puntland iyo koox sheegatay inay gacan-saar la leedahay Al-Shabaab.

Maxkamaddaha Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso, waxay dhawr jeer bilihii la soo dhaafay ku dhawaaqeen xukuno ka dhan ah dad lala xidhiiidhiyay kooxda Al-Shabaab.

 

Qurbejoog.com, Boosaaso