Hargaysa 19.Nov 2013 (SDN)- Shirgudoonka Golaha Wakiilada Gaar ahaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday inay Joojiyeen Isku Shaandhayn uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu ku sameeyay Gudi Hoosaadyada uu ka kooban yahay Golaha Wakiiladu kadib markii Hogaankooda ay hantiyeen Xisbiyada Mucaaridka ah.
Warar Xog ogaal ah ayaa Shabakada Qurbejoog.com u xaqiijiyay in labadan Gudoomiye ku xigeen ay isku shaandhayntan la ogaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ay Qallinka ku duugeen Gudiyadii la doortay ee ay haatan sharci darada ku tilmaameen Waxaana Maalinta beri ah la filayaa inay arrintan ka Jawaabaan Hogaanka Gudi Hoosaadyada sida Sharciga ah isu doortay.
Guji halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato hadalka Shirgudoonka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Shirgudoon19.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
