Hargeysa:20-Nov-2013 (SDN)- Madaxtooyada ayaa Falan-qeyn dheer iyo shirar albaabadu u xidhan yihiin oo ay yeelatay ka dib Go’aan ku gaadhay in Hilifaha loo laabo sharciyadda waddanka iyadoo laga soo gelayo Golaha sharcidejinta Dalka.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayey Xukuumaddu ku qancisay in muran sharci ka dhex abuuro Golaha, waxana uu shalay soo saaray isagoo gacanta Haysta ku Xigeenkiisa 2-aad Cali Yuusuf bayaan uu ku sheegayo inaanay waxba ka jirin isku shaandhayntii uu dhawaan Guddoomiye Cirro ku sameeyey Guddi-hoosaasyada Golhaas.
Qoraal xambaarsan qoddobo ay u cuskadeen xeer hoosaadka golahooda ayay labada guddoomiye ku xigeen shalay ka soo saareen Hargeysa, kaasi oo ay ku taallay shaambad aan asli ahayn (Foojari) waxa ay ku sheegeen in ay joojiyeen guddiyadii golaha ee guddoomiye cirro isku shaandheeyey.
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Maxamed Yuusuf ayaa ugu mar-marsooday isku shaadhayn uu shir guddoonka wakiiladu ku sameeyey guddi hoosaadyada golaha kaasi oo isaga iyo guddoomiye-xigeenka 1aaad Baashe Maxamed Faarax ay qoraal kaga soo horjeesteen isku shaadhayntaasi ka dib todobaadyo ay ogolaayeen.
Labadan guddoomiye ku xigeen oo shalay qoraal ka soo saaray xarunta wakiilada ayaa Cali Maxamed Yuusuf uu sheegay in uu dib uga noqday go’aankaasi uu la ogaa guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro waxaanu ku dooday in uu yahay qalad ka dhacay “Aniga iyo Guddoomiye Cirro waanu isla ogayn isku shaandhaynta balse dee bani’aadam ayeynu nahay oo waynu qaldami karnaa waxaanu arrinkani khilaafsan yahay xeerhoosaadyada golaha ” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf .
Geesta kale isku shaandhayntan lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha ayaa waxay wiiq-day awoodii uu xisbiga Kulmiye ku lahaa golaha wakiilada iyada oo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kaga adkaaday laba guddoomiye guddi hoosaad ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddu u arkeen jagooyin muhiim ah oo ay golaha dhexdiisa ku waayeen waxaana ka mid ah guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha oo uu ahaa Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka tirsan xisbiga Kulmiye halkaasi oo lagu bedelay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xisbiga Waddani iyo jagada guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha amniga iyo difaac ee golaha oo uu hore u ahaa xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kumiye waxaana lagu bedelay Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Waxaana wararka laga helayo madaxtooyadu ay sheegayaan in labada guddoomiye ku-xigeen habeen hore looga yeedhay madaxtooyada isla markaana la soo faray in olole u galaan awaamir ay ku daadafaynayaan isku shaandhaynta uu Gudoomiyaha Goluhu ku sameeyey guddi hoosaad yada golaha .
Guuddoomiye Cirro oo haatan safar shaqo ku jooga waddamo yurub ku yaalla, ayaa la hadlay warbaahinta, waxana uu ku adkaystay inaan sharciyadda waddanka waxba laga Beddeli Karin.
S.D.N
