Hargeysa:20-Nov-2013(SDN)-Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa Suuqyada waaweyn ee Magaalada Hargeysa ku Soo Bandhigay Boodhadh waaweyn oo ay ku qoran Yihiin Farriimo dadka loogu sheegayo inaan la qaadan Karin lacagta shilling Somaliland-ka ah ee jeexjeexan.
Arrintan oo waxoogaa caqabada ku keeni karta dadka shacabka ah, ayaa waxa faahfaahin ka Bixiyey Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, waxana uu tilmaamay kaliya inay uga dan leeyihiin ilaalinta Lacagta waddanka oo aanay u jeeddo kale ka lahayn.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in talaabadan lagu soo afjarayo dayaca lacagta dalka ee ay bulshadu caadeysatay,isagoo xusay in lacagta googo’an ay waxyeelo ku tahay dhaqaalaha dalka.
“Ujeedada aanu ka leenahay joojinta bedelka lacagta jeexan iyo ta gubatay waxa weeye inaanu bulshada ku cadaadino ama aanu ku dhiiri gelino inay ilaaliyaan shilinkooda oo ay dhaqaaleeyaan, taas ayaanu doonaynaa inay dadku ku dedaalaan”ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.
Guddoomiye Dirir ayaa sheegay in addeega Zaad-ka oo haatan Somaliland si weyn looga isticmaalaa uu kaalin weyn ka qaadanayo Sixir-bararka Bulshada Noloshooda halista ku haya, waxana uu yidhi, “Sixir Bararka waxa inoogu wacan waa lacagta qalaad ee waddanka laga isticmaalo, dadkeenuna iskuma taxalujiyaan inay lacagtooda ilaaliyaan, markaa taas annagoo ka duulayna waxaanu bulshada u soo jeedinaynaa inay lacagta dalka ilaaliyaa.Annagu Bangi ahaan waxaanu aaminsanahay in Sixir Bararka dalka ka jira ay inoogu wacantahay Lacagaha qalaad ee aynu isticmaalno oo Dollarku kow ka yahay, manuu yimaadeen hadii lacagta dalka la isticmaalo oo Shaaha Makhaayadaha laga cabayo Shilinka Somaliland lagu bixiyo oo dadku aaminaan lacagtooda, la iska daayo Dollar-ka lagu isticmaalayo Zaad-ka iyo wax kasta”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha ayaa xusay inay qorshaha ugu jirto sidii Zaadka loogu bedeli lahaa Shilin, si la mid ah sida looga isticmaalo dalalka adeegan laga isticmaalo.
S.D.N
