Uncategorized

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Xukuumadda Ka Difaacay Afgembiga Sharciyadda Waddanka ee Dhabarka Loo Saaray

Hargeysa:20-Nov-2013 (SDN)-Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogaysay eedo ka soo yeedhay qaar ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah oo xukuumadda ku eedayay inay ka dambayso labada Guddoomiye Ku xigeen ee aqalka wakiiladda oo iyagu laalay go’aankii uu Guddoomiye Cirro iskugu shaandheeyay Guddi hoosaadyadii aqalkaasi.

Dhuxul_2-300x233 Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo  Xalay u warramay Warbaahinta Xukuumadda.

Af-hayeenka Xukuumadda Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa tilmaamay inaanay jirin sabab ay xukuumaddu faraha ula gasho arrimaha Golaha Wakiillada, maadaama ay yihiin laba Hay’adood oo sharci ahaan siman.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda  ayaa isagoo arrintaas ka Hadlaya yidhi, “Waxaan warbaahinta qaarkeed ku arkayay mucaaridka oo xukuumadda ku eedaynaya inay madaxtooyaddu soo dirtay labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda oo iyagu sidaan maqalay laalay Go’aankii isku shaandheyntii guddiyada aqalkooda. Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo xukuumaddu waa waaxdii fulinta, Golaha Wakiiladduna waa waaxdii sharci dejinta markaa way ka madax banaan tahay fulinta sida waaxda Garsoorkuba uga madax-banaan tahay.”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “ Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda waxa ka dhaxayay wada shaqayn wanaagsan , may dhicin mana dhici doonto inay Xukuumaddu faro geliso Golaha Wakiiladda oo ah Gole sharci dejineed oo hawlihiisa shaqo wata una madax banaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay warar sheegayay inay madaxtooyadda laga soo diray labada Guddoomiye Ku xigeen ee Golaha Wakiiladda.

 

Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in aanay xukuumaddu wakhti iska luminayn wax aan munaasib ahayn, balse ay u tafo xaydan tahay horumarinta dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii ay guddi hoosaadyo dooranayaan iyo haddii kaleba iyaga (Wakiiladda) ayay u taallaa, xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay haysaa oo ku mashquulsan tahay, hawl ka weyn oo hurmarineed ayay haysaa.”

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com