Uncategorized

Qaraxyo isdabajooga oo lala beegsaday safaarada Iran ee Lebanon

Beirut Nov 2013(SDN)-Qaraxyo is xigay oo ay fuliyeen laba ruux oo ismiidaamiyay ayaa lala beegsaday safaarada dalka Iran ku leedahay magaalada Beirut ee dalka Lebanon.

Qaraxan ayaa dhawr iyo laabatan ruux ay ku geeriyoodeen tiro dad ah oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa waxa sheegtay koox islamiyiin ah oo dawlada Iran iyo xisbulah ugu baaqay in ay joojiyaan taaeerada muga leh ee ay la garab taagan yihiin dawlada Syria.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka caasimada Lebanon ee ay gacanta ku hayaan kooxda Xisbulah.

qasaaraha gaarax safaarda Iran ayaan ilaa haatan la shaacin,sidoo kale waxaan weli ka hadal weerarka kooxda Xisbulah.

Kooxda qaraxa fulisay ayaa sheegtay in ay qaraxyo kale ka fulin doonaan Lebanon hadaaney Iran iyo Xisbulah joojin taageerida dawlada Syria.

SDN-Beirut

contact@somalidiasporanews.com