Muqdisho Nov 20,2013(SDN)-Nin u dhashay dalka Canada ayaa dhawaan ujjeedada Booqasho uu ku tegay magaalada Muqdisho ayaa ka fajicisay shaqaalaha gegida duyuuradaha ee Muqdisho.
Ninka oo 41 jir ah lana yiraahdoMike Spencer Bown ayaa ah nin socdaala oo ilaa iyo haatan booqday ilaa 150 wadan oo dunida ku yaal.
“Hore umeynaan arag ninkan oo kale,waxa uu noo sheegay in uu tamashle u yimi Muqdisho,waana ay noo suurtoobi weyday in aanu rumeysano,mudo ka dibse waxaanu ogaanay in ay ka dhabtahay booqashada,waxaanu sidaa ku noqonayaa ninkii u horeeyay ee tamashle Muqdisho u yimaada ” sidaa waxaa yiri sarkaal ka mida shaqaalaha gegida duyuuradaha ee Muqdisho.
Dawladaha Reer Galbeedka ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay Soomaaliya booqdaan balse digniinahaas oo idil ayaan waxba uga dhigneyn ninkan oo doonayay mar uun in uu booqdo xeebaha Soomaaliya.
“Waan la socday in Soomaaliya uu dagaal sokeeye ka bilowday kolkaan socdaalada bilaabay balse waxa ay mar walba ka mid aheyd goobaha aan doonayay in aan booqdo”ayuu yiri Bown.
Ninkan ayaa ay u suurto gashay in uu Muqdisho wakhti ku qaato haba ahaateen meel aan waxba ka fogeyn Hotel si weyn loo ilaaliyo.
Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in uu ku sigtay in saraakiisha gegida duyuuradaha ee Muqdisho ay dib ugu celiyaan diyaaradii uu la socday balse uu buuq uu kiciyay ay arinkaa ka badbaadisay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
