Salaan qiimo badan ka dib.
Ninbaa yidhi walee hadii aan gurigaa laga guurin in la arki doono Gorayo heeryaysan oo karinkaa ka soo degeysa. Inkasta oo la yaabkii soo dhamaadey oo aan maanta la odhaneynin waxaas ayaa inagu cusub oo aynaan hore u arag maadama dadkii Somalida la odhan jirey oo dhami ay ku jiraan Asqo ama amabasho aan dabiib laheyn, hadana maalinba waxaad is odhaneysa wixii hore waa bikh.
Xamar iyo Koonfur ama isku wada daroo Koonfurtii Talyaaniga oo dhan waxaan u nacey, Qarax, Damaaci, Dil qorsheysan, Kursi jeclaysi, Alshabaab, Budhcad badeed, Rasaas habow ah, iyo Umada meesha ku nool oo intooda badan aad is odhaneyso malaha maba oga iney jirto meel Aakhiro la yidhaahda, iyo malaha maba oga in dhiiga dadka oo sabab la`aan lagu daadiya uu yahey shey aad u culus….
Hargeisa iyo her sisters keeda ama isku daroo Waqooyi dhamaantii waxaan ku nacey Qabyaalada, Beenta, Fadhi ku macaashka, Isla weynida, Cusuriyada, Cuqdada, Cunista Madhabka ama Daba musbaarka, Koofiyad baclayaasha badan, Citiraaf raadinta beenta ah, iyo umada meesha ku nool oo aad is odhaneyso malaha maba oga in 2013 kii la Marayo… oo Qabylaad iyo Umad kala qeybsani aaney aduunkan jiciirtey qiimo badan ku laheyn.
Isku soo wada dar oo www.somali.com oo dhan waxaan ku nacey sida aaney uma koreynin ee halkii uun ay u taagan yihiin… Isla weyni, Qabqab dhaafey, nin qaawan oo hadana u haysta inuu suudh xidhan yahey. Irbad umad aan sameysin karin oo hadana is haysta…. Maqrib iyo maqshir aduunka meeshad tagtaba ku duleysan oo hadana aan diir naxeynin…
Anigoo isku wada darey ayaa hadana dacalka aan ka dhashey ee Laantu uu yahey mid cajiib sii qaba oo Illahey diintiisa, iyo dadnimadiiba Qabylaad ka doortey… Ciilow ba!! Awal ragaa murmi jirey oo Qabyaalada fidhiqeyn jireye, hablihii gobta ahaana intey Mic… u dhibeen ma ku khasbeen iney yihaadhaan Aniga reer Shidaad ah ,iyo adigoo reer Sarmaana..
Koonfur ama Somalia kolaba sidaad u taqaano
Alshabaab + Qarax + Kursi ku dhegid + Budhcad Badeed + Jenelar Beena tolasho + Mooshin Dollara x Is qabsi ======= Dil iyo dhac, Amisow iyo Ugaandhiis Aids fidinaya, Ajanabi iyo Umado shisheeye oo talinaya
Waqooyi ama Somaliland hadaba sidaad u taqaano
Qabyaalad x Cunsuriyad + Musuq x Maalin ku taajir + Citiraaf sugid x Cidla ku xidhnaan + Madhab x Dabamusbaar +Suldaan x Caaqil koofiyad dheer + Siyaasi Qurba jooga x Siyaasad Qabylaad ku soo baxey == Tariib iyo Rajo la`aan x Muran.
Faraj Alla ayaa furmi doona, insha Allah waxaan Alle ka baryeynaa ineynu aragno Somalida oo dhamaantaad Cisi iyo sharaf ku nool. www.somali.com ma aha mareeg jirta lakiin waa eray koobaya sida runta ah ee qofka Somaliga ahi uu yahey iyo sida uu isu haysto.. Adigaa aduunka ugu fiican, reerkina ugu badan, ugu sareeya…….. Dhaqaaq laguma dhamee.
Alla Mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway
