Uncategorized

Xisbiga Ucid oo Falaadh adag ku ganay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soona Faqay Siro dahsoon {DHAGAYSO}

Hargaysa 20.Nov 2013 (SDN)- Xasan Xuseen Badmaax oo ka Mid ah Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Si Kulul u naqdiyay Hadal uu maalintii Shalay Warbaahinta siiyay Wasiirka arrimaha Gudaha oo sheegay in Xisbiyada Mucaaridka ah ay ku Jiraan Shakhsiyaad uu ka Gaabsaday inuu Magac dhabo balse u adeegaya sida uu Xusay Cadawga Qarankani leeyahay.

Mudane Badmaax Waxa uu Tibaaxay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ka mid ahaa Kooxdii Nabadsugida Somalia ee Tacadiyada kala duwan u gaystay Shacabkiisa isla markaana lagu saamaxay Shirweynihii beelaha Somaliland ku Yeesheen Magaalada Burco,Waxaanu u soo Jeediyaay inuu ka waantoobo weedhaha xanafta leh ee Bulshada kala fogaynaya.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Xasan Xuseen Badmaax

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/badmaax20.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com