Uncategorized

Wasiir Xirsi Oo Dalka Ku Jeeda iyo Wasiirro Heegan Ugu Jira Soo Dhaweyntiisa

Hargeysa:21-Nov-2013(SDN)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo in muddo ah safar arrimo badan la xidhiidhay ugu maqnaa waddanka ingiriiska, ayaa la filayaa inuu maanta Gelinka Dameb ka soo Dego Magaalada Hargeysa.

xirsigaWasiirka ugu saamaynta badan xukuumadda Somaliland oo muddo hawlo gaar u ah ka maamulnayey dalka England, ayaa soo dhaweyntiisa laga dareemayaa caasimadda Hargeysa, waxana ilaa shalay si weyn looga hadal hayey imaatinkiisa meelaha xubnaha xukuumadda ahi iskugu yimaadaan.

Xubno badan oo iskugu jira wasiirro iyo iyo xildhibaanno, ayaa si weyn diyaar ugu ah inay wasiirkan dalka ku soo dhaweeyaan, waxana intii uu maqnaa waddanka  ka yaraaday wararkiisii inta badan warbaahintu qaadaa-dhigi jirtey ee dhinaca siyaasadda iyo yooyootanka uu caanka ku yahay ku saabsanaa.

Soo dhaweyntiisa oo la filayo inay dhacdo galabta saacadaha dambe, ayaa  la filayaa  filayaa inay u baratamaan inta badan wasirrada dhegaha nuqul ee kacaan yahannada ah.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com