Uncategorized

Madaxweynaha Maraykanka Oo Billado Ku Taxay Dad Dhintay iyo Qaar Noolba

Washington:21-Nov-2013(SDN)-Madaxweynaha maraykanka ayaa 16 qof oo u dhashay dalkaaasi oo Saddex ka mid ah ay goor hore dhinteen guddoonsiiyey abaal marinta xoriyada oo sanad kasta la siiyo dadka loo aqoonsado in ay wax badan u qabteen dalka.

 

obama-kilinton-310x174Dadkii sanadkan billadan qaaliga ah la gudoonsiiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, haweenay fanaanad ah oo caan ku ah heesaha miyiga ee mareykanka, Loretta Lynn, haweeney kale oo u dhaq dhaqaaqda xuquuqda dumarka Gloria Steinem iyo haweneyda iska leh barnaamij caan ah oo telefishinada mareykanka ka baxa, Oprah Winfrey.

 

Mr. Obama ayaa sheegay in dadka billadan la gudoonsiiyay sanadkan ay yihiin dad leh heybad qeyrul caadi ah, isagoo ugu yeedhay, rag iyo dumar huwan Qiyamka mareykanka, quluubtoodana ku weyn.

 

Mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Mareykanka , John F. Kennedy, ayaa biladan hirgeliyay 50 sanadood muddo haatan laga joogo, si loogu abaal mariyo, dadka kaalimaha lama ilaabaanka ah ka qaata amaanka iyo danaha qaran ee Mareykanka, nabadgelyada aduunyada, iyo sidoo kale shaqsiyaadka muuqda ee u dhaq dhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo cadaaladda.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com