Uncategorized

HORUMAR BUU GAADHSIIYEY DALKIISA,JECEYL BAY U HAYAAN DADKIISU, KUWII KA DANBEEYEYNA HALKII BAY KA SII WADAAN GEEDIGII AABAYAASHOOD BILAABEEN!!!

42 Sanadood oo Nabad, Horumar, Barwaaqo, iyo Hogaan fiican ilaahay siiyey, waa 42 Sanadood ooy manta 02/12/2013 u dabaal degayaan Walaaladeena reer UAE Sanad guurada ka soo wareegtay isu tagooda iyo midnimadooda, waa 42 sanadood oo muwaadiniintoodu ku nool yihiin nolol aad u wanaagsan, waa 42 sanadood oo xaakimka iyo maxkuumkoodu isku jiho u jeedaan, run ahaana xaakimiin wanaagsan ilaahay siiyey, waa 42 sanadood oo dhulku camirmay, hawaduna is bedeshay, dhulkuna doog yeeshay hadii uu lama degaan qaawan ahaa.

Waa 42 sanadood oo qof kasta oo habeen u hoydaa dareemo nolosha muwaadinka emaratesku ku jiraa inay tahay ta u rabo ibnu aadam kastaa, waa nolol karaamo leh, runtiina Ilaahay ha u siyaadiyo hana u dhawro e waxay haystaan ooy dadka dheer yihiin, XUKAAM ku werweraysa, kana werweraysa muwaadin kasta iyo qof kasta oo ku nool dhulkoodu sidii uu nolol wanaagsan u heli lahaa, Haa Anigaa ku nool kuna dhalay, waxaan dareemayaa in naloo sahlay nolol fiican sidii aanu ugu noolaan laheyn, Waa dalalka yar eed nabad ugu noolaan karto, adigoon dareemin wax khatar geliya shaqadaada iyo noloshaadaba.

Waa dalalka amnigoodu sareeyo, muwaadin iyo Martiba la dareemi karo degenaansho iyo isu dheeli tirnaan, waa dal ay ku dhaqan yihiin jinsiyado fara badan iyo midabo kala nooc ah, wax dhibaato ah oo khalkhal geliyana ilaahay ha ka hayo mase arkaysid, maalina ma ka werweraysid dhac iyo boob midnaba.
Waa Jidkii uu jeexay Sheikhii weynaa ee xukunkeeda ilaahay u dhiibay, waa jidkii kheyrka u horseeday, waa jidkii horumarkan gaadhsiiyey Waxa ilaaahay siiyey dalkan manta 42 jirsaday Hogaamiye fiican, run ahaan fiican oo dareemay in nabadu qaali tahay kuna shaqeeyey kalgacal uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabo, waa Sheikh Zayid (Ilaahay ha u naxariisto hana geeyo janatul farduus e) Haa waynu u baryaynaa Ilaahay, waxuu dareemay qiimaha muwaadinka wuxuu ogaaday in wanaaga dadkaaga la wanaajiyaa kheyrkeeda la helo, haa kun jeer baan aniga iyo malaayiinka dalkan maalin soo maraaba u ducaynaa,Waanu naga mutaystay isaga iyo Intii la shaqeysay ee la midowday, iyo Ubadkoodii oo jidkaas kheyrka leh wali sii wada, Khasab bay nagu tahay inaanu u Ducayno, wuxuu ahaa Hogaamiye gartay muwaadinkiisa sida loogu shaqeyn karo loona hanan karo, wuxuu Ilaahay ha wanaajiyo Minankiisa Janaad ee uu ku raaxaysanayo hadaba e uu geliyey waqtigiisii qaaliga ahaa hagaajinta iyo ka shaqeynta wadankiisa iyo Muwaadinkiisa, Haa Ilaahay ha ka abaal mariyee wuxuu saacado, maalmo iyo sanadoba u huray Horumarinta muwaadinka iyo bedelka noloshiisa, wuuna ka midho dhaliyey (Ilaahay Ha u Naxariisto Naxariis weyn) Waa Tusaale wanaagsan oo Xukaamta BELED SOOMAAL KU DAYASHO UGU FILAN!

Isu Taga Carabta Emaraadku waa magac manta lagu garto HORUMARKA IBNU AADAMKA, waa Tusaale fiican oo in aynu higsano ay tahay, waana dalkaas yare e kasbaday qalbiyada Malaayiin ibnu aadam sidii ay saacado dhawr ah Transit ugu noqon lahaayeen amaba uga soo adeegan lahaayeen, waa dal yar oo shacab wanaagsan iyo HOGAAN KHAYR WADAYAAL AH MIDEEYEY, waana dal ilaahay dadkiisa iyo Hogaankiisaba is jeclaysiiyey.

Somaalida oon ka dhashay waxa kheyrka leh ma jecla kolay qaar baa odhan doona meeshan uu ka sheekaynayaa miyaanay UAE aheyn, waxaanse walaal idiin sheegayaa hadaynaan teena hagaajin, Ceebaha dadka kalena isheenu aragto, Ilaahay waligeen wax kheyr qaba inama tusayo, Walaal shalay inagaa ka horeynay maantase way gaadheen ee HANBALYO HANBALYO HANBALYO Shacab iyo dawladba ayaanu leenahay Ilaahay 42 kale iyo qaar kaloo badan ooy  nabad iyo horumar ku jiraan walaaladeen ha na tuso, Anakana Nabad iyo horumar ha na siiyo.

Sheikh Khalifa Bin Zayid iyo walaalkii Maxamed Bin Raashid iyo Xukaamta kale ee Emarteska kale iyo ku xigeenadooda iyo dhamaan Muwaadiniinta qaaliga ah ee xukaamtooda la shaqeysa, iyo dhamaan martida kale ee degen wadankan waxaan leeyahay SANAD WACAN OO WANAAGSAN, Sanado badan oo sharaf iyo Horumar lehna ilaahay ha inoogu dhaliyo kheyr,bashbash iyo barwaaqo.
Waxa Xusid mudan Dubai in lagu qaban doono bandhig weyn oo ganacsi 2020 kaas oo ay maalmo yar ka hor heshay iyadoo ka badisay Magaalooyin afarta qaaradood ee waaweyn ku yaala, Hanbalyo Hankaaga oo sareeya ayaa Hanaankaaga wanaajiya.

Hargeisana way gaadhi maalin uun………….my be 2080 Ilaahay waxba kuma aha.
Bashir SUBAAN, DUBAI, UAE
PROUD TO BE PART OF EMARATES, Proud to be one of its residences

Bashir SUBAAN