Uncategorized

Danjirihii Somalia U Fadhiyey Talyaaniga Oo Iska casilay Xubintii Baarlamaanimo ee uu Hayey

 

Muqdisho:03-Dec-2013(SDN)-Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii Xildhibaanimo ee uu Baarlamaanka ka hayey.

casilJaneral Muuse ayaa waxa uu badalkiisa xildhibaanimo gudoonka udhaariyey shakhsi kale oo ay isku beel yihiin waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanayey maalmihii dambe madaxda dalka.

Danjirahan ayaa waxa  uu mar ahaa sii hayaha gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya ka hor inta aan loo magacaabin Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Danjiraha ayaa haatan wixii ka dambeeya u madax bannaanaan doona shaqadiisa danjirenimo, waxana uu guud ahaanba ka baxay Shaqadii uu ka hayey Baarlamaanka Somalia dhexdiisa oo uu ka ahaa xubin firfircoon.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com