Uncategorized

Waddooyinka Ugu Waaweyn Caasimadda Hargeysa Oo Shalay 4-Saacadood Loo Xidhay Booqashadii Madaxweynaha

Hargeysa:04-Dec-2013(SDN)-Waxa Maalintii shalay   Booqasho Madaxweyne Siilaanyo ku Tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Sababtay Culayskii ugu weynaa ee Abid ku Yimaadda Isu Socodka Gaadiidka iyo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa.

waddoMuddo ku siman Afar Saacadood, waxa xidhnaa Afarta Isgoys ee ugu muhiimsan caasimadda ee ku yaalla inta u dhaxaysa Fooqa Kayse Bushaaro iyo Xarunta  wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo aan Haba yaraatee wax Gaadiid ahi maraynin.

Tallaabada ayaa culays  badan ku keentay Guud ahaanba magaalada Hargeysa, waxana la waayey meel ay kala maraan gaadiidkii iyo dadkii u kala socdaalayey Daafaha kala duwan ee caasimadda.

Booqashada Madaxweynaha ayaa keentay in dad badani ka sheekeeyaan dhaqankan cusub ee xukuumaddani la soo baxday xilli ay ku gooddiyi jirtey inaan la xidhi doonin waddada madaxtooyada Hormarta oo xukuumaddii hore aad u xidhi jirtey, balse Tani waxa ay ku darsatay inay waddooyin kale oo badan u xidho Tegitaanka madaxweyne Siilaanyo ee Goobta Madaxtooyada u jirta wax ka yar  2-KM.

Gaadiidka oo marka horeba aanay waddooyinka magaaladu qaadi karin, ayaa shalay si aad ah iskugu caddibmay, waxana inta badan Ardayda iyo dadka shaqaalaha ah ee meelaha fogfog u shaqo tegayaba ku dhacday Habsan badan iyo Luggooyo weyn ee arrintani keentay.

Ilaa iyo Hadda si rasmi ah looma fahmin sababaha inta badan loo xidho waddooyinka waaweyn xilliyada madaxweyne Siilaanyo Madaxtooyada ka baxayo, waxase ay xukuumaddu ku andacootaa inay ammaanka dartii sidaas u yeelayso, balse sidaas Ammaan kuma sugmi karo, waxana ka dhalata cidhiidhi badan iyo karaahiyo shacabaku qaadaan.

Sidoo kale arrintan  shalay ayaa dhibaato badan ku keentay dad badan oo xanuunsanayey oo dhakhtarka weyn lagu waday, kuwaas  oo ciidankii waddooyinka lagu daadiyey  ka dhaarteen inay dhaafaan, waxana ay taasi ka mid ahayd dhibaatooyinka ay keentay waddooyinka madaxweyne Siilaanyo Loo Xidhay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com