Berbera:04-Dec-2013(SDN) –Kala-fadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Berbera oo maalintii shalay furmay ayaa Buuq iyo Sawaxan khilaaf dhaliyey ku furmay.
Khilaafka ayaa sida la sheegay ka dhashay markii uu Guddoomiye Cabdishakuur Ciddin Kala-fadhigii u Beddelay shir Jaraa’id, taasina ay keentay in si weyn la isugu khilaafo Hannaanka wax u socdaan.
Guddoomiyaha ayaa Kala-fadhiga kusoo Casuumay Qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo uu ugu talo galay inuu jawi khal khal kaga dhex abuuro Hab-sami-u-socodka Kala-fadhiga.
Markii uu Guddoomiye Ciddin Hadalka u holloday, ayey Kooxdii Wariyayaasha ahayd ee uu soo kaxaystay bilaabeen inay Agabkooda rakibtaan, waxana taas ka cadhooday xildhibaanadii kale oo dalbaday in dhaqanka wax laga Beddelo, balse taasi waxa ay keentay Buuq iyo Qaylo goobta ka bilaabanta.
Maayir Ciddin oo ku soo talo galay inaan warbaahinta la saarin ayaa hadalkiisii sii watay, waxana uu Xoghayuhu bilaabay qaybinta waraaqo ay hore u soo diyaarsadeen.
Xildhibaanadii Goobta Joogay ayaa Maayarka ka dalbaday inuu qaybiyo Ajandaha Kala-fadhiga, isla-markaana uu xildhibaanada Soo Hordhigo xisaab xidhkii sanadka, balse cidi dheg jalaq uma ay siinin.
Maayarka ayaa dalabka Xildhibaanada kaga jawaabay muran iyo qaylo, waxana ay xildhibaanadii taas kaga jawaabeen inay Fadhiga dibadda uga soo baxaan oo aanay goobta sii fadhiyin, waxana ay Xafiiskooda Ku Qabtay Shir Jaraa’id
Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed iyo Xildhibaan Muuse Daa’uud Cilmi ayaa Xafiiskooda ku Qabtay Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in Dayn aad u faro badan lagu leeyahay Dawladda Hoose, lacagtaana waxa ay ku sheegeen Hal milyan iyo Badh Dollar, waxana ay tilmaameen in daytaas la galay intii uu maayarnimada qabsaday Ciddin.
Ugu Danbayntii Xildhibaanadu Waxay Baaq U Direen Madaxwaynaha Iyo WasiiruDaakhiliga , Waxaa Kale Oo Ay Sheegeen Haddii Aan Laga Soo Gaadhin In Berbera Ay Ka Dhici Doonaan Gadood Shacbi Iyo Kacdoon .
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
