Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya waxay Kalsoonida kala Noqdeen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saaciid) . Haddaba Madaxweyna Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugaaya waa Ra’iisal Wasaare oo Cusub in uu soo Magacaabo.
Dastuurka Labadaas Sharuud oo keliya ayuu cadeeynaya Qofka Ra’iisal Wasaare noqonaayo laakiin aniga waxaan ku dari laha in u Ra’iisal Wasaaraha si fiican u yaqaan Luqadda Carabiga maxaa yeeley Luqada Carabiga waa Luqada ay Shacabka Soomaaliyeed leeyihiin .
FIIRO GAAR AH: : Bal ka waran haddi uu Ra’iisal Wasaaraha la kulmo Amiirka Kuwait ama Madaxweynaha Masar ee uu san ku hadli karin Luqadda Carabiga soo dhib ma ahan taas waa ceeb iyo fadeexo maxaa yeeley waxaa been noqoneysa Soomaaliya Waa dal Muslim ah oo Weliba ah ka mid ah dalalka Carabta.
Aniga xita waxan ahay Qof barta luqadda Carabiga si fiican uma aqaano ee hadda ayaan barta Carabiag weliba waxaa sii raba in aan si barto luqadaha kale sida : Jarmalka, Shiinaha, Ruushka Spanish, France iyo kuwa kale oo badan . Ogow luqadda waa Furaha Noolashada.
Nairobi Kenya
