Uncategorized

RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA QOFKA NOQONAAYA WAA IN UU SI FIICAN U YAQAAN LUQADDA CARABIGA

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya waxay Kalsoonida kala Noqdeen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saaciid) . Haddaba Madaxweyna Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugaaya waa Ra’iisal Wasaare oo Cusub in uu soo Magacaabo.

Dastuurka Soomaaliya ee wuxuu leeyahay Qodobkiisa 98 ee lambarkiisa :1- Qofka Qabanaya Xilka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Ku Xigeenkiisa : Waa in Dadiisa ka yaraan Afartan (40) sano, Waa in Aqoontiisa gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed.

Dastuurka Labadaas Sharuud oo keliya ayuu cadeeynaya Qofka Ra’iisal Wasaare noqonaayo laakiin aniga waxaan ku dari laha in u Ra’iisal Wasaaraha si fiican u yaqaan Luqadda Carabiga maxaa yeeley Luqada Carabiga waa Luqada ay Shacabka Soomaaliyeed leeyihiin .

FIIRO GAAR AH: :  Bal ka waran haddi uu Ra’iisal Wasaaraha la kulmo Amiirka Kuwait ama Madaxweynaha Masar ee uu san ku hadli karin Luqadda Carabiga soo dhib ma ahan taas waa ceeb iyo fadeexo maxaa yeeley waxaa been noqoneysa Soomaaliya Waa dal Muslim ah oo Weliba ah ka mid ah dalalka Carabta.

Luqada Carabiga waa Muhiim ee in uu barto Qofka Soomaaliga ah ee tan kale ee ma dhib badna ee waa hal sano ama in ka yar ayaad ku baran karta Afka Carabiga ee isku day in aad Carabiga barato.

Fadlan iga raali noqo ee haddii aad rabtey in aad noqoto Ra’iisal Wasaare ee aad ku hadli karin Afka Carabiga ha is dhihin adiga yaa lugu dan leeyahay ee aniga waxan ka hadlaayay sida u Wanaagsan ee Shacabka Soomaaliya ee wax ula Qeybsan karaan Dalalka Carabta.

Aniga xita waxan ahay Qof  barta luqadda Carabiga si fiican uma aqaano ee hadda ayaan barta Carabiag weliba waxaa sii raba in aan si barto luqadaha kale sida :  Jarmalka, Shiinaha, Ruushka Spanish, France iyo kuwa kale oo badan . Ogow luqadda waa Furaha Noolashada.

Mahad Sanid,

Dahir Mohammed Sheikh

 

Nairobi Kenya