Waxaan leeyahay labada nin ee beri hore xilkii gudoomiye iyo xilkii gudoomiye ku xigeen ee gobolka Gebiley laga qaadey markii ay ka soo bixi-waayeen shaqadii loo igmadey ” falaadhi gil-gilasho idin-kama-godo” waxaanu aad iyo aad uga xunahay in aad ummadda tusteen hab-dhaqankiina xun ee ay ka sayid caleysey kana muuqato calool-xumo, milil iyo caabuq-aar-goosi ah oo naxli-huursan-xambaarasan. taasina waa nasiib daro ee Sharaftiina dhawrta !!
Waxaan leeyahay Maanta xisbiga Ucid uma baahna xildhibaano sanqadha lacagta dhegta la raaca oo baadi-goob-ugu jira maal-aaney xoogsan, magac iyo maamuus aaney kasban ee wuxuu xisbigu u-baahan yahay xildhibaano Jiheeyeyaal iyo Mideeyayaaly ah. hadii aad walaalayaal soo daawateen Riwaayada laga sameeyey Xisbul-baxri–Wal-beri-Al- turaabi ka dibna aad ku riyooteen saq-dhexe maal-aydinaan xoogsan iyo magac- mansab aydin-naan-mudneyn Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid waad ku soo khaldanteen oo ma-uu-aheyn markii horeba xisbigiinii. Si ay u-hirgalaan mabaadiida guud ee xisbiga Ucid uma baahna xisbigu hagar-daamo iyo Xildhibaano ku caan-baxay ama yaqaana dhaqanka xun ee ah aan dhooqeeyo iyo ” aan kala adkaano xisbiga dhexdiisa” ee wuxuu u-baahan yahay Xisbigu xildhibaano yidhaahda aynu tar-tano oo dhiirigeliya dimuqraadigeena curdinka ah kuwaas oo quluubta shacabka kasban kara oo iibin kara ama suuq-geyn kara siyaasada guud ee xisbiga.
Xisbiga Ucid umma baahna Awr-kiraaleyaal markii horena qeyd-xanbaar si yar oo sibiq ah dal-qada ugu soo galey xisbiga, haatana si indho-la’aan ah isaga-badaka-wareega oo urta-dha-dhanka, xaabka iyo dhaameelka dabeyl-raaca kolba ee wuxuu u-baahan yahay Xisbigu Xil-dhibaano karti, aqoon iyo hufnaan ku-suntan oo xisbiga dhinacooda ka dhisi kara.. Waxaanu aad iyo aad uga xunahay in aad noo cadeyseen in aad xisbiga u-soo shaqo tag-teen oo aad soo tafa-xeydateen, oo aad ku heesteen heesta ” lacageey- Lacageey-Lacageey, Raga kala La-beeyaay” Laakiin Walaalayaal Xaalku sidaa ma-aha ee Geedka Xisbiga la yidhaa isagaa Lacagta loogu deeqaa laguna bixiyaa si uu u-soo-baxo oo kursiga u-fuulo ka dibna aad shaqo uga heshaan hadii aad weliba calfataan markaa, Walaalyaal Waa Ceebowdeena ee Xaal-bixiya!!
Si dabar iyo shakaal loogu qoofalo oo loo xakameeyo Xildhibaanada naftooda xawa-wara ee kolba xisbi-u-xuub-siibta iyaga oo dabey-raac-awaadii jebinaaya xeerarkii xakameyn-lahaa, Waxaan ka Codsanayaa Komishanka Qaranka in ay ka shaqeysiiyaan Xeer No- 14 , hadii ay sida uga dhakhsaha badan aad uga shaqeysiin-weydaan Xeer 14-ka, waxaa ay noqoneysaa in wixii ay Somaliland soo dhisaneysey 22-ka sanadood ee xeer iyo xeegaanba ahaa uu wada baa-ba’o oo noqdo hal-bacaad lagu lisey idinkana waxay idinku noqoneysaa Mudh-Ceeb, Laf-jab iyo taariikh-madow oo karaamo dhac ah oo idin raacda taariikhdana idiin gasha.
Alleh Ayaa Mahad Leh
Waa Bilaahi-Tow-fiiq
Abdirahman mohamoud
Xubin: Xisbiga Ucid
UK
