Uncategorized

Jawaab ku wajahan maqaal duraayey Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid oo 1/12/13 ku soo baxey mareegaha qaarkood gaar ahaan Gabileynews

Waxaan leeyahay labada nin  ee beri hore xilkii gudoomiye iyo xilkii gudoomiye ku xigeen ee gobolka  Gebiley  laga qaadey markii ay ka soo bixi-waayeen shaqadii loo igmadey ” falaadhi gil-gilasho idin-kama-godo” waxaanu aad iyo aad uga xunahay in aad ummadda tusteen hab-dhaqankiina xun ee ay ka sayid caleysey kana muuqato calool-xumo, milil iyo caabuq-aar-goosi ah oo naxli-huursan-xambaarasan. taasina waa nasiib daro ee Sharaftiina dhawrta !!

 

Waxaan leeyahay Maanta xisbiga Ucid uma baahna xildhibaano sanqadha lacagta dhegta la raaca oo baadi-goob-ugu jira maal-aaney xoogsan, magac iyo maamuus  aaney kasban  ee wuxuu xisbigu u-baahan yahay xildhibaano Jiheeyeyaal iyo Mideeyayaaly ah. hadii aad walaalayaal soo daawateen  Riwaayada laga sameeyey Xisbul-baxriWal-beri-Al-turaabi ka dibna aad ku riyooteen saq-dhexe maal-aydinaan xoogsan iyo magac- mansab aydin-naan-mudneyn Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid waad ku soo khaldanteen oo ma-uu-aheyn markii horeba xisbigiinii. Si ay u-hirgalaan mabaadiida guud ee xisbiga Ucid uma baahna xisbigu hagar-daamo iyo Xildhibaano ku caan-baxay ama yaqaana dhaqanka xun ee ah aan dhooqeeyo iyo ” aan kala adkaano xisbiga dhexdiisa” ee wuxuu u-baahan yahay Xisbigu  xildhibaano yidhaahda aynu tar-tano oo dhiirigeliya dimuqraadigeena curdinka ah kuwaas oo quluubta shacabka kasban kara oo iibin kara ama suuq-geyn kara  siyaasada guud ee xisbiga.

 

 

Xisbiga Ucid umma baahna Awr-kiraaleyaal markii horena qeyd-xanbaar si yar oo sibiq ah dal-qada ugu soo galey xisbiga, haatana si indho-la’aan ah isaga-badaka-wareega oo urta-dha-dhanka, xaabka iyo dhaameelka dabeyl-raaca kolba  ee wuxuu u-baahan yahay  Xisbigu Xil-dhibaano karti, aqoon iyo hufnaan ku-suntan oo xisbiga dhinacooda ka dhisi kara.. Waxaanu aad iyo aad uga xunahay in aad noo cadeyseen in aad xisbiga u-soo shaqo tag-teen oo aad soo tafa-xeydateen, oo aad ku heesteen heesta ” lacageey- Lacageey-Lacageey, Raga kala La-beeyaay”  Laakiin Walaalayaal Xaalku sidaa ma-aha ee Geedka Xisbiga la yidhaa isagaa Lacagta loogu deeqaa laguna bixiyaa si uu u-soo-baxo oo kursiga u-fuulo ka dibna aad shaqo uga heshaan hadii aad weliba calfataan markaa, Walaalyaal Waa Ceebowdeena ee Xaal-bixiya!!

 

 

Si dabar iyo shakaal loogu qoofalo oo loo xakameeyo Xildhibaanada naftooda xawa-wara ee kolba xisbi-u-xuub-siibta iyaga oo dabey-raac-awaadii  jebinaaya xeerarkii xakameyn-lahaa, Waxaan ka Codsanayaa Komishanka Qaranka in ay ka shaqeysiiyaan Xeer No- 14 , hadii ay sida uga dhakhsaha badan aad uga shaqeysiin-weydaan Xeer 14-ka, waxaa ay noqoneysaa in wixii ay Somaliland soo dhisaneysey 22-ka sanadood  ee xeer iyo xeegaanba ahaa uu wada  baa-ba’o oo noqdo hal-bacaad lagu lisey idinkana waxay idinku noqoneysaa Mudh-Ceeb, Laf-jab iyo taariikh-madow oo karaamo dhac ah oo idin raacda taariikhdana idiin gasha.

 

 

Alleh Ayaa Mahad Leh

 

Waa Bilaahi-Tow-fiiq

Abdirahman mohamoud

Xubin: Xisbiga Ucid

UK