Uncategorized

Warbixin:Soomaalida ku nool Woqooyiga America oo ka shaqo helid badan kuwa Sweden

Stockholm Dec 04,2013(SDN)-Soomaalida ku nool dalalka Woqooyiga America ayaa ka fursado shaqo badan kuwa ku nool dalka Sweden sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay daabacday dawlada Sweden.

Isku celcelis Soomaalida Mareykanka iyo Canada ku nool labadii aad aragtoba midbaa shaqeeya halka Soomalaida ku nool dalka Sweden la sheegay in 20%uun ay shaqeeyaan.

Warbixintan oo loogu magac daray “Soomaalida iyo suuqa shaqada,cashar ma ka baran kartaa Sweden?” ayaa waxa soo bandhigay wasiirka is-dhexgalka Sweden Erik Ullenhag.

Dawlada Sweden ayaa dalbatay baaritaanka si loo wejaho shaqaaleynta Soomalaida dalkaasi ku soo badanaysa.

Warbixinta ayaa tibaaxday in Soomaalida ku nool Woqooyiga America ay gacan ka heleen xarumaha aan dawliga aheyn ee dadka soo gelootiga ah ka caawiya shaqaaleynta.

Warbixinta ayaa dhawr qodob dusha u saartay shaqo la’aanta Soomalaida Sweden ku nool.

Waa midee warbixintu waxa ay tibaaxday in Soomaalidu aaney hay’adaha dawliga ah kalsooni buuxda ku qabin,marxalado ay hore ula soo kulmeen awgood.

In Soomaalida ku nool Sweden kala bar ay dalkaasi tageen shantii sanadood ee  u danbeysay.

iyo in 70% Soomaalida Sweden ku nool ay waxbarashadoodu aad u hoseyso,sida warbixinta lagu xusay.

Awes Axmed Cusmaan oo ka mida Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden ku nool oo haatan gacan siiya Soomaalida dalkaas ku cusub ayaa soo dhaweeyay warbixinta iyo soojeedimaha la socda.

“Waa Soojeedimo wanaagsan in Soomaalida ururadooda loo ogolaado in ay xogta ku saabsan sida bulshada Sweden u shaqeyso maareeyaan,farqi weyn baa u dhexeeya labada bulshadood”.

Awes waxa uu intaa raaciyay in Sweden ay ka faaiideysato heybada Ganacsi ee Soomaalida taas oo ka mid ah waxyaabaha ay warbixintu soo jeedisay.

Dalka Sweden waxa haatan ku noo 40,000 oo Soomaali ah iyada oo sanadka soo socdana ay 20,000 oo kale iyo qoysaskooda dalkaa gaari doonaan.

Tiradaas ayaa Soomaalida Sweden ka dhigaysa bulshada ama soogelootiga ugu badan ee dalkaa gaaray sanadihii u danbeeyay.

SDN-Stockholm
contact@somalidiasporanews.com