Muqdisho 10.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, war qoraal ah ayuu ku sheegay oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.
Madaxweyne Xasan ayaa ku celiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ku howlan tahay sidii loo yarayn lahaa falalka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee wali ka dhacaya dalka.
Wuxuu xusay in dhawrista xuquuqda aadanaha ay ahmiyad weyn ugu fadhido dowladdiisa, isagoo intaas raaciyay in sharciyo cusub la sameeyay si loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, ajandaha siyaasadeed ee dowladduna uu sii wadi doono taageeridda shuruucdaas.
Wuxuu sheegay inay dalka ka dhaceen falal ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka 20-kii sano ee la soo dhaafay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in gaboodfallada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka aanay boos ku lahayn Soomaaliyada cusub.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida inay doorkooda ka ciyaaraan sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha ee dalka.
Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka ayaa maanta oo ku beegan December 10 laga xusayay caalamka oo idil.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
