Hargaysa 18.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada dib u dajinta JSL Md Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta ka qeyb galay munaasibad lagu xusayay maalinta muhaajiriinta adduunka oo lagu qabtay xarunta la talinta gaarka ah ee muhaajiriinta MRC ee magaaladda hargaysa.
Xafladan oo ay kazoo qeyb galeen madaxa xafiiska MRC hayadaha I O M UNHCR ururada xuquuqul insaanka iyo dadka muhaajiriinta eek u sugan dalka qeybo ka mid ah kuwaasoo socod kusoo maray jidka halbawlaha ah ee magaaladda hargaysa .
Wasiirka wasaarada dib u dajinta JSL Md Axmed Cabdi Kaahin oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu si weyn ugu mahad celinayo xafiska MRC oo xukuumadda u qaabilsan la talinta iyo daryeelka dadka muhaajiriinta ah eek u dhaqan dalka , oo uu sheegay wasiirku in intii jecel in ay ku noolaadaan somaliland in si ixtiraam leh loo daryeeli doono xuquuqdooda sidoo kale intii jecel in ay dalalkoodii ku laabtaana si sharaf leh dalalkoodii loogu celin doono.
Agaasimaha waaxda MRC Md Muuse Yuusuf Faarax oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyay adeegayada ay u qabtaan dadka muhaajiriinta ah ee dalka degan ,waxaanu xusay in ay diiwaan galiyaan dhamaan dadka muhaajiriinta ah ee dalka soo gala ama degan isalmaraa ay u sameeyaan daaweyn caafimaad oo lacag la aan ah halka ay u fududeeyaan cid kasta oo rabta in dalkii ay ka yimaadeen dib ugu noqota.
Waxa iyana halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka kala socotay hayadaha IOM iyo UNHCR oo ah hayadaha wasaarada dib u dajinta kala shaqeeya amuuraha muhaajiriinta gaar ahaan xafiiska MRA waxaanay ka warbixiyeen heerka dalka somaliland ay ka joogto xuquuqda dadka muhaajiriinta ah oo ay ku tilmaameen in ay tahay heer fiican oo lagu faano .
Waxa isna halkaasi hadlay Maxamuud Garaad oo bulashada somaliland ku guubaabiyay ilaalinta xuquuqda dadka muhaajiriinta ah ee martida ku ah dalka .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
