Uncategorized

Xuska Maalinta Muhaajiriinta oo Hargaysa lagu qabtay iyo Wasiirka Dibu dejinta oo ka hadlay

Hargaysa 18.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada dib u dajinta JSL Md Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta ka qeyb galay munaasibad  lagu xusayay  maalinta muhaajiriinta   adduunka oo lagu qabtay xarunta la talinta gaarka  ah ee muhaajiriinta MRC ee magaaladda hargaysa.

wasiirka dibu dejinta ee danbeXafladan oo ay kazoo qeyb galeen madaxa xafiiska MRC hayadaha I O M UNHCR ururada xuquuqul insaanka  iyo dadka muhaajiriinta  eek u sugan dalka qeybo ka mid ah  kuwaasoo socod kusoo maray jidka halbawlaha ah ee magaaladda hargaysa .

Wasiirka wasaarada dib u dajinta JSL Md Axmed Cabdi Kaahin oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu si weyn ugu mahad celinayo xafiska MRC  oo xukuumadda u qaabilsan la talinta iyo daryeelka dadka muhaajiriinta ah eek u dhaqan dalka , oo uu sheegay wasiirku  in intii jecel in ay ku noolaadaan somaliland  in si ixtiraam leh loo daryeeli doono xuquuqdooda sidoo kale intii jecel in ay dalalkoodii ku laabtaana  si sharaf leh dalalkoodii loogu celin doono.

Agaasimaha waaxda MRC Md Muuse  Yuusuf Faarax  oo isna madashaasi ka hadlay  ayaa ka war bixiyay  adeegayada ay u qabtaan dadka muhaajiriinta ah  ee dalka degan ,waxaanu xusay in ay diiwaan galiyaan dhamaan dadka muhaajiriinta ah ee dalka soo gala ama degan         isalmaraa ay u sameeyaan daaweyn caafimaad oo lacag la aan ah  halka ay u fududeeyaan cid kasta oo rabta in dalkii ay ka yimaadeen dib ugu noqota.

Waxa iyana    halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka kala socotay hayadaha IOM iyo UNHCR   oo ah hayadaha wasaarada dib u dajinta kala shaqeeya amuuraha muhaajiriinta  gaar ahaan xafiiska MRA  waxaanay ka warbixiyeen heerka dalka somaliland ay ka joogto xuquuqda dadka muhaajiriinta ah oo ay ku tilmaameen  in ay tahay heer fiican oo lagu faano           .

Waxa isna halkaasi hadlay Maxamuud Garaad  oo  bulashada somaliland ku guubaabiyay ilaalinta xuquuqda dadka muhaajiriinta ah ee martida ku ah dalka .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com