Garowe 01.Jan 2014 (SDN)-Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay aqalka gollaha wakiiladda,waxana munaasibada dhaarinta kasoo qayb galay Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole, ku xigeenkiisa, Madaxwaynihii hore ee Puntland, Murashaxiinta xil raadiska ah, Isimada, Culimo,guddiga xalinta khilaafadka iyo ansixinta Baarlamaanka,saraakiil ka socday xafiiska UNSOM ee Somalia,qurba joog iyo waliba haween.
Ugu horayntii munaasibadda waxaa lagu daah furay aayadaha qur’aanka iyo qowlka EEBE,waxana intaas xigtay kalmado diidi ah oo culimadu ay usoo jeediyeen Barlmaanka cusub iyo murshaxiinta,waxayna kula dardaarmeen inay dalka iyo dadka si cadaalad ah oo hufan loogu addeeg,allena laga cabsado.
Gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo afhayeenka isla guddigaasi ayaa ka war bixiyay howlihii ay soo qabteen mudadii ay xulista xildhibaanadda ku guda jireen,waxayna sheegeen shaqo badn oo addag ka dib inay ku guulaysteen inay soo xuleen 66-xubnood oo lagu wada kalsoon yahay inkastoo ay jiraan khilaaf ay tabanayaan beelaha qaarkood.
Murashax Cali Cabdi Awaare oo ku hadlayay afka murashaxiinta tartamaya ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin sida wanaagsan ee ay guddiga howsha loo igmaday u guteen,wuxuna tilmaamay in loo baahan yahay ka shaqaynta midnimadda iyo wadajirka Puntland.
Sidoo kale munaasibadda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha murashaxiinta Gen.Cabdilaahi Siciid Samatar oo sheegay inay wax kasta oo dhacay ay danta guud ee Puntland darteed isaga dhaafeen oo ay haddana u taagan yihiin inay doorashada ka qayb gallaan,wuxuna sheegay inuusan ahayn shaqsi duminta Puntland ka shaqaynaya balse uu ahaa mucaarad wax toosinaya,si baraare loo wada gaaro.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo khudbad soo jeediyay ayaa sheegay inuu yahay ruux jecel wadajirka iyo nabadda Puntland,balse uusan waligii ka shaqayn duminta shacabka,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta caabka ah ee dadka ka wada dhaxaysa,xildhibaanadda maanta la dhaariyay ayuu ugu baaqay inay si wanaagsan u gutaan masuuliyadda qaran ee fuushay.
Inkastoo munaasiabdda ay ahayd mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay haddana khudbadihii laga soo jeediyay ayaa u dhacayay inay muhiim tahay in meel la iska dhigo khilaaf oo danta shacabka iyo tan dalka laga wada shaqeeyo.
Ugu danbayntii munaasiabdda waxaa ka hadlay oo soo xiray madaxwaynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole wuxuna sheegay inay muhiim tahay ka shaqaynta wadajirka iyo midnimada,wuxuna sheegay inuu sidoo kale ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay sameeyeen murashaxiinta oo qaarkood xilal kala duwan soo qabtay.
Xildhibaanadda la dhaariyay ayaa u dorrtey shir gudoon ninka ugu da’da weyn iyada oo lagu wadaa maalinta barito ah January 2,2013 inay soo doortaan gudoomiye iyo labadiisa ku xigeen,si loosii anbo qaado howlaha baaxada wayn ee Baarlamaanka horyaala.

Garowe SDN.
Qurbejoog.com
