Uncategorized

Baarlamanka Somalia oo Meel Mariyay Miisaaniyada Sadex Biloodka ah

Muqdisho 01.Jan 2014 (SDN)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda seddexda bilood ee soo socota ay si kumeel-gaarka ah ugu shaqeyn doonto xukuumadda Soomaaliya.

BAARLAMANKA SOMALIA OO CODAYNAYAKulan ay xildhibaannada baarlamaanka ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa soo xaadiray 172 xildhibaan, waxaana u codeeyay miisaaniyadda 169 xildhibaan, waxaa ka aamustay labo xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Miisaaniyadda la ansixiyay waxay dhan tahay 56 milyan oo doollar.

Wasiirka maaliyada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka qeyb galay kulanka baarlamaanka ayaa  sheegay in aan miisaanidda weli lagu darin miisaaniyadda gobollada oo uu xusay in ay wax badan ka dhiman yihiin.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com