Muqdisho 02.Jan 2014 (SDN)- War uu soo saaray wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa waxa uu canbareeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Jazeera Magaalada Muqdisho oo la sheegay in ugu yaraan 10-qof ay ku dhinteen 40-in kabadan ay ku dhaawacmeen.
Canbaarentaasi kadib Ambassador Mahamat Saleh Annadif waxa uu wacad ku maray in ciidamada midowga Afrika kaga sugan soomaaliya ay jawaab culus sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga bixin doonan weerarkaasi oo ay sheegatay Xarakada Al-shabab oo iyadu dagaal kala horjeda Dowladda Soomaaliya Iyo sidoo kale ciidamada howgalka AMISOM.
“Shacabka Soomaaliya waxa ay rajeenaynaa sanadkaan cusub inuu noqdo mid ay kor ugu sii qaad an hamigooga ku aadan Xasilinta dalka Soomaaliya weerara noocani oo kale waxa ay muujinayaan in weli ay jiraan kooxo nabada diidan,AMISOM qorsha ayaa oga dagsan sidii ay u sii wadi laheyd dagaalka xoogan ee ka dhanka ah Al-shabab”sidaasi waxa warxafadedkisa ku sheegay Ambassador Mahamat Saleh Annadif.
Xarakada Al-shabab ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegatay in dagalaamayashoda ay fuliyeen weeraradii lagu qaaday Hotelka Jazeera.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
