Uncategorized

Weris Diiriye oo Jarmalka ka furtay Xarun Caafimaad oo lagu daweeyo Gudniinka Fircooniga

Berlin Jan 03,2013(SDN)-Qalanjada Soomalaiyeed ee Weris Diiriye oo caan xayeeysiinta dharka ayaa haatan asaastay xarun caafimaad oo ku taalk dalka Jarmalka oo lagu daweynayo dhaawacyada Gudniinka Fircooniga.

Xarunta Desert Flower ayaa loogu magac daray Buug iyo Film ku saabsan nolosha Weris Diiriye.

Xaruntan ayaa filaysa in sanadkiiba ay ka daweyso nabarada Gudniinka Fircooniga ee jismiga ah iyo kuwa maskixiyan waxyeelada u geysta haweenka dhibaneaasha ah.

Weris ayaa buugeeda uga warantay gudniinkii fircooniga ahaa ee loo geystay xili da’adeedu aheyd 5 jir.

Xarunta Desert Flower ayaa ku taal gudaha cisbitaal lagula taacaalo xaaladaha caafimaad ee haweenka oo ku yaal magaalada Berlin.

Senait Demisse oo ah haweeney u dhalatay dalka Itoobiya isla markaana u shaqeysa Weris Diiriye ayaa laga daweeyay gudniin fircooniga.

Waxaaney sheegtay in ay dareemeyso caafimaad taam ah isla markaana ay ku qaadatay ilaa lix bilood in ay si taam ah uga bogsato qaliinka.

Xarunta oo la furay Septembertii in dhaaftay ayaa caqabad weyni ka heysataa sidii ay dumarka ugu qancin lahaayeen qirashada in ay dhibaatooyin kala kulmeen Gudniinka.

Xaruntan caafimaad ayaa ah tii nooceeda u horeysay ee lagula taacaalo caqabadaha caafimaad ee ka dhasha Gudniinka Fircooniga/.

SDN-Berlin
contact@somalidiasporanews.com