Rome:03-Dec-2014(SDN)-Ciidanka Badda ee Waddanka Talyaania ayaa Soo Badbaadiyey Muhaajiriin Afrikaan ah oo Gaadhaya 233-qof ooo doonayey inay Dooni ku galaan dalka Talyaaniga.
Dadkan ayaa laga soo badbaadiyay iyagoo ku dhibaateysan Koonfurta Xeebta Sicily,waxaana Muhaajiriintan ku dhiiratay inay naftooda bibmeyaan badda ay ka kala socdeen wadamada Soomaaliya,Bakistan Eritrea,Zambia iyo Wali dalka Mali oo dhamaantooda ay ka taagan yihiin dhibaatooyin nolosha ku saabsan,islamarkaana ay raadinyeen nolol ka wanaagsan midi guryahooda ay ku haaysteen.
Ciidamadii soo badbaaday Muhaajiriintaan ayaa sheegay in hadii aan laga gaadhi lahayn dadkaan iyo doontii ay saarnaayeen laga yaabee inay quusaan oo naftooda laga quusan lahaa.
Sanad waliba,kumanaan African,Asian iyo Muhaajiriin ka soo jeeda Bariga dhexe ayaa isku daya inay u badheedhaan Qatarta Badda ,iyagoo mar uun doonaya inay galaan wadamada Yurub iyagoo u maraya Talyaaniga.
Muharaajiriinta haatan la Badbaadiyey ayaa la sheegayaa inay ku jireen tiro badan o soomali ahi, waxana haatan la geeyey dhinaca magaalooyinka Xeebaha ku yaalla ee Talyaaniga, waxana lagu ururiyey xeryo loogu talo galay in dadka soo galootiga ah lagu xannaaneeyo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
