Muqdisho:03-Janu-2014 (SDN)-Tan iyo intii Habeenimadii Khamiistu soo Gelaysay Kooxaha Al-shabaab weerarka ku qaadeen Hutel Jazera Ee Magaalada Muqdisho, waxa Shacabka ku dhaqan muqdisho soo foodsaartay Cabsi ballaadhan oo aan wali salkeeda la gaadhin.
Cabsidan shacabka haysata oo intoodii badnayd Guryahooda ku xeraysay ayaa ah inay Magaalada Muqdisho soo Galeen Gaadiid tiro badan oo waxyaabaha Qarxa laga buuxiyey, kuwaas oo aan wali qarxin, iyadoo wali la deydayayo goobihii loogu talo talay in lagu qarxiyo.
Wararkan ayaa ku faafay guud ahaanba Muqdisho, waxana shacabku noqdeen qaar intooda badani aanay suuqyada u soo Bixin oo Guryahooda kaga Gabbanaya Qaraxyada la sheegayo inaanay wali dhicin ee diyaarka ah.
Sirdoonka Dowladda, ayaa helay xog ku aadan goobaha ay Shabaabku maleygayaan in ay weerarada ka geystaan, si ay ugu muujiyaan awooda ay u lee yihiin, in ay weeraro ka fulin karaan Magaalada Muqdisho.
Goobaha la hadalhaayo in ay Shabaabku weerarayaan, ayaa waxaa kamid ah Xabsiga Dhexe ee Xamar, Xarumaha Dowladda iyo Hoteelada ugu muhiimsan ee Magaalada ku yaala.
Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa waxaa ku xidhan rag badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo xukuno kala duwan ku kala xukuman, iyagoo qaarkood ay dil ku xukuman yihiin.
Maxaabiista qaarkood, ayaa waxay dhameysteen waqtigii lagu waday in dilka lagu fuliyo, mana cadda waxa keenay in dib u dhac uu ku yimaado, xilligii loogu tala galay in xukunka lagu qaado.
Khamiistii shalay, ayaa waxaa la arkaayay dhowr kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, oo dhegxaan lahor dhigaayo aafafka hore ee Hoteelada laga galo. Iyadoo Maamulada Hoteelada ay baqdin ka muujinayaan, weeraro kaga yimaada dhinaca Ururka Al Shabaab.
Arrintan shacabku ka nasan la’yihiin ayaanay wali Dalwaddu ka jawaabin, waxana kaliya ay dhinaceeda iskaga dayeysaa inay ka Hortagto qaraxyada la sheegayo, iyadoo si weyn u xoojisya Ammaanka Muqdisho iyo Goobaha Muhiimka ah ee Magaalada Ku Yaalla.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
