Uncategorized

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yururb oo ka Hadlay Qaraxii Huteel Jaziira ee Muqdisho

Nairobi 03.Jan 2014 (SDN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin weeraradii argagixiso ee habeenkii Arbacadii lagu qaaday heteel Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Ban Ki-moonWar-qoraal ah oo laga soo saaray xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa xubnaha Golaha Amaanka iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay waxay ku soo jeediyeen in dambiileyaasha ka dambeeyay qaraxyadii Muqdisho caddaaladda la horkeeno.

Waxay hoosta ka xarriiqeen sida uu muhiim u yahay dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto dhameynta hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab iyo xoojinta taageerada dib loogu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Labo qarax oo habeenkii Arbacada ka dhacday hoteel Jasiira ayaa waxaa ku dhimatay 12 qof, 32 kalena way ku dhaawacmeen.

Geesta kale Wakiilka gaarka ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa cambaareeyay weerar lagu dilay 12 qof, 32 kalena lagu dhaawacay oo Arbacadii ka dhacay hoteel Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxyadaas oo ismiidaamin ahaa wuxuu na sheegay in Midowga Yurub uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dastuuriga ee dowladda.

Michele Cervone d’Urso ayaa tilmaamay in weerarkaas uusan dhaawici doonin dadaalka ay beesha caalamka ku taageereyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo deggenaaashaha Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay sii xoojin doonaan dadaalka ay ugu jiraan xasillooni ka hirgasha Soomaaliya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com