Uncategorized

Wada Hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo Todobaad kadib bilaabi doona

Hargaysa 03.Jan.2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalilnad Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal Shaqo ku Joogay Wadanka Ingiriiska ayaa Galabta ku soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa .

Wasiirka arrimaha dibada golahaWasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal ugu Waramayay Warbaahinta ayaa ka Warbixiyay Ujeedada Socdaalka uu ugu Maqnaa Wadanka Ingiriiska isagoo sheegay inuu kulamo kala duwan la lahaa isaga iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsigu Shirkado Maalgashi oo Xaruntoodu tahay Magaalada London,Wasiirku waxa uu intaas ku daray inuu soo maray oo kale Dalka Masar isla markaana uu kulamo kula soo qaatay madax ka tirsan Wadankaasi.

Mudane Maxamed Biixi Yoonis mar uu ka hadlayay Wada hadaladii dib u dhacyada badani ku yimaadeen ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay in Todobaadka soo socda ay si rasmi ah uga bilaabmi doonaan dalka Turkiga oo marti geliyay,Wasiirku Waxa uu intaas ku daray in Ergada Somaliland u Metelaysa Wada Hadaladu ay dalka ka ambo bixi doonaan Maalinta Axada ee Soo Socota.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com