Hargaysa 06.Jan 2014 (SDN)- Golaha Guurtida J.S.L ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Md:Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen qodobka lixaad ee Ajandaha kalfadhiga 52naad ee Golaha oo ku saabsan Siyaasadda Guud ee dhulka .
Mudanayaashii dooda maanta ka qayb qaatay oo ku kala aragti duwanaa doodooda, ayaa waxay mudanayaasha qaar ka mid ahi ku sheegeen in hanti Guud oo badan ay ka maqantahay dawlada ,waxaanay mudanayaashaasi u soo jeediyeen dowladda hoose ee caasimadda Hargaysa iyo wasaaradda Howlaha Guud inay xil iska saaraan sidii ay u ilaalin lahaayeen Hantida ma guurtada ah ee dowladda, iyaga oo si gaarahna u tilmaamay in loo baahan yahay in la kala xadeeyo dhul beereedka iyo dhul daaqsimeedka.
Geesta kale mudanayaasha qaarkood ayaa soo jeediyay in Golaha dib loogu soo celiyo Xeerkii dhulka oo Goluhu hore u ansixiyay si wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyo.
Xildhibaanada Golaha Guurtida ee fadhigaas ka qayb qaatay ayaa soo jeediyey in Madaxda Dwlada hoose ee caasimadu Golaha horyimaadaan si ay uga warbixiyaan arimaha dhulka ee caasimada,gabogabadii fadhigaas mudanayaashu waxay ammaan balaadhan usoo jeediyeen xukuumadda ,iyagoo ku bogaadiyay in mudadii ay xilka haysay ay hoos u dhaceen muranadii dhinaca dhulku.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
