Uncategorized

Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka Yeeshay Siyaasada Dhulka

Hargaysa 06.Jan 2014 (SDN)- Golaha Guurtida J.S.L  ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Md:Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen qodobka lixaad  ee Ajandaha kalfadhiga 52naad  ee Golaha oo  ku saabsan Siyaasadda Guud ee dhulka .

golaha GuurtidaMudanayaashii dooda maanta ka qayb qaatay oo ku kala aragti duwanaa doodooda, ayaa waxay mudanayaasha qaar ka mid ahi  ku sheegeen  in hanti   Guud  oo badan    ay ka maqantahay dawlada ,waxaanay mudanayaashaasi  u soo jeediyeen dowladda hoose ee caasimadda Hargaysa iyo wasaaradda Howlaha Guud inay  xil iska saaraan sidii ay u ilaalin lahaayeen Hantida ma guurtada ah  ee dowladda, iyaga oo  si gaarahna  u tilmaamay in  loo baahan yahay in la kala xadeeyo dhul beereedka iyo dhul daaqsimeedka.

Geesta kale mudanayaasha qaarkood ayaa soo jeediyay in Golaha dib loogu soo celiyo  Xeerkii dhulka oo Goluhu hore u ansixiyay  si wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyo.

Xildhibaanada Golaha Guurtida ee  fadhigaas ka qayb qaatay  ayaa   soo jeediyey  in Madaxda Dwlada hoose ee caasimadu  Golaha horyimaadaan si ay uga warbixiyaan  arimaha dhulka ee caasimada,gabogabadii fadhigaas  mudanayaashu waxay ammaan balaadhan usoo jeediyeen xukuumadda  ,iyagoo ku  bogaadiyay in mudadii ay xilka  haysay  ay hoos u dhaceen muranadii dhinaca dhulku.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com