Uncategorized

Gudoomiyaha Gudida Doorashada Punt land oo Faahfaahin ka Bixiyay Lacagta ay Murashixiinta ka qaadan halka ay ku dhacayso

Garowe 06.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan codsiyo ka yimi dhanka murashaxiinta.

Saadiq-Abshir-Garaad-300x225Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad  ayaa sheegay lacagta looga qaadayo Murashaxiinta is-diiwaan galinta inay ku dhici doono Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland ayna ka mid noqon doono dhaqaalaha Umadda loogu addeego.

Xil. Saadiq Abshir ayaa sidoo kale sheegay sababta keentay in la kordhiyo lacagta is-diiwaan galinta inay tahay maadama ay tiro bateen murashaxiinta in lagu kala saaro cida iska bixin karta lacagta intaasi leeg iyo cida aan iska bixin karin,taasoo saacadaha soo socda kala saari doono murashaxiinta isku soo taagay xilka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.

Docda kale, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland ayaa sheegay ilaa galaba inay qabteen codsiyo badan oo dhanka Murashaxiinta ka imaanayay, ayna ku rajo wayn yihiin inay howsho soo dhamaado Isniinta galinkeeda hore, si saacadaha harsan loo gudo galo kala shaandhaynta codsiyada.

Fariin ayuu u diray murashaxiinta tartamaysa,wuxuna sheegay inay muhiim tahay in la aqbalo natiijada doorashada laguna kolsoonaado, sidoo kale shacabka ayuu u sheegay inay muhiim tahay jiritaanka Puntland iyo ilaalinta amniga ayna la shaqeeyaan Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la dooran doono.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com