Muqdisho 06.Jan 2014 (SDN)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa subaxnimada maanta oo Isniin ah waxa ay xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xukunka oo ka dhacay Iskoolka Booliska ayaa waxa goob joog ka ahaa gudoomiyaha Maxkamada Liban Caliyow.
Askariga xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magaacabayey Maslax Ciise Imaan oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir. Askari ayaa ku eedeysanaa dilka wiil ardey ah oo lagu magacaabi jirey Cumar Maxamed Axmed, waxaana uu ku diley isla degmada hawl-wadaag
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay iney jiraan xukunno kale oo dil ah kuwaas oo maxkamaddu fulin doonto maalmaha soo socda.
Xukunnada dilka ah ee maxkamadda ciidanku ku fuliso askarta dilka geysta ayaa hoos u dhigey askarta ku dhiirada in ay si badheedh ah u dilaan dad rayid ah.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
